Xasan Sheikh: Madaxweyne Farmaajo colaadiisu waxay gaartay inuu ciidanka ilaalayda ah ka goosto mushaarkii iyo raashinkii.

Xasan Sheikh: Madaxweyne Farmaajo colaadiisu waxay gaartay inuu ciidanka ilaalayda ah ka goosto mushaarkii iyo raashinkii.

5. april 2021 0 Af cisaleey.com

 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda madaxweyne Farmaajo ay colaadin joogto ay ku haysay tan iyo sanadkii 2018, goortaas uu bilaabay inuu dhaliilo siyaasada dowladda.

Xasan Sheikh Maxamuud oo wareysi uu siiyay Radio Kulmiye ayaa sheegay mid kamid ah colaadinta uu ka sheeganayo maamulka madaxweyne Farmaajo in ay ahayd kadib markii ciidanka ilaaladiisa ahaa laga goostay mushaarkii iyo raashinkii la siin jiray.

Xasan Sheikh wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda isku dayday in la dilo 19 kii febraayo, kadib markii uu sheegay in hotelkii uu degenaa weerar lagusoo qaaday, balse uu ka badbaaday weerarkaas.

“Habeenkii oo dhan xabbad ayaa nagu socotay, waxaa la rabay in nala dilo kadibna la yiraahdo isku dhac ciidan ayay ku dhinteen, laakiin tabartooda ayaa u diiday mooyee, waxba nooma reeban,” ayuu yiri madaxweyne hore Xasan Sheikh Maxamuud.

Waxa uu sheegay Xasan Sheikh Maxamuud in ay dulqaadkooda kaga gudbeen waxyaalo badan oo uu ku kalifi karay in ay caroodaan oo ay colaad iyo dagaal sakooye ka bilaabaaan Muqdisho.

“ Maalin walba Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu la boodayaa qori dab leh. Anaga siyaasiyiinta ah iyo dadka magaaladan degen waaye cidda masuulka ah nabada la haysto,” ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ayaa ugu dambayn sheegay in aysan weli ka tanaasulin mudaharaadkii ay ku baaqeen, isagoo sheegay in ay uusan marnaba ka tanaasulidoonin waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online