Hoobiyaal lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Hoobiyaal lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

26. marts 2023 0 Af cisaleey.com

Weerar hoobiyeyaal ah ay aroornimadii hore ee saakay ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Hoobiyaasha ayaa la sheegay in aay ku dhaceen guryo dad shacab ah daganayeen oo ku yaala xaafada Siliga Ameerikaanka, gaar ahaan halka loo yaqaano Ceelka Sablaale.

Waxaa lasoo sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay hoobiyaasha ku dhacay xaafada Siliga Ameerikaanka, hayeeshee Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah oo ah geysteen hoobiyaashaasi inta ay dhan tahay.

Ciidamanka tirsan kuwa amaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goordhaw halka ay kusoo dhaceen Hoobiyaasha, kuwaas oo howlgalo baaritaano ah ka sameeyay agagaarka guryaha ay ku dhaceen hoobiyaasha, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha amaanka Muqdisho oo ku aadan khasaaraha ay geysteen hoobiyaasha.

Ma ahan markii ugu horeysay oo hoobiyaal lasoo tuuray ay ku dhacaan guryo dad shacab ah dagan yihiin oo sababa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana masuuliyadda hoobiyaashaasi sheegta kooxda Al-shabaab.