Wiil Soomaali ah oo lagu diley Canada

Wiil Soomaali ah oo lagu diley Canada

5. april 2021 0 Af cisaleey.com

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Haabiil Axmed Cabdullaahi Xasan oo ahaa 21 sano jir Somali-Canadian ahaa ayaa lagu diley Magaalada Toronto ee caasimada dalka Canada.

War kasoo baxay Booliiska magaalada Toronto ayaa lagu sheegay in Haabiil uu ku dhintey rasaas la furay xilli ay wadada marayeen,waxaana rasaastaasi ku dhaawacmay qof la socday.

Falkan dilka iyo dhaawaca ah ee loo geestay muwaadidiinta Soomaaliyeed ayaa looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen labo nin dhalinyaro madow ah kuwaa oo la helay gaarigii ay wateen iyo qoryihii ay weerarka u adeegsadeen.

Dalka Canada ayaa waxaa ku soo badanaya dilalka loo geysto dadka asalkoodu yahay Soomaali.