Waa sidee xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan?

Waa sidee xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan?

30. april 2023 0 Af cisaleey.com

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii dib uga soo muuqday ololihii doorashada ee galbeedka Turkiga.

Waxa uu soo gaaray magaalada dekedda leh ee Izmir iyadoo dadweyne aad u fara badan oo saacado ku sugayay cadceed kulul ay soo dhaweeyeen. Wuxuu ahaa isu soo bax xooggan oo ka dhacay goob mucaaradku ku xooggan yihiin.

Ma jirin wax calaamad ah oo muujinayay xanuunkii sababay inuusan sameyn ololihiisa siyaasadeed ee muhiimka muddo 3 maalmood ah toddobaadkii tagay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu baajiyay howlihiisa doorashada ee loo qorsheeyay toddobaadkii hore.

Talaadadii, Erdogan ayaa waxaa la jaray wareysi toos ahaa oo uu taleefishin siinayay ka hor inta uusan soo laaban oo uu raaligelin ka bixin, iyada oo sababta lagu sheegay in caloosha ay xanuunaysay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Erdogan oo 69 jir ah ku yiri “(Arbacadii) waxaan ku nasan doonaa guriga anigoo raacaya talada dhaqaatiirteena”.

Erdogan ayaa sidoo kale yiri “Illahay idamkii waxaan sii wadeynaa barnaamijkeena laga bilaabo berri, waxaan sii wadi doonaa inaan ka shaqeyno sidii ummadeena aan jecelnahay u gaarsiin lahayn himilooyinka qarniga Turkiga”.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaad 40-daqiiqo ku hadlayay cod dheer, isagoo ku jeesjeesay mucaaradka sidoo kalana kor u qaaday aragtida “argagixisada”, wuxuuna sheegay in isaga kaliya uu hiigsiga Turkiga gaarsiin karo. Waxay ahayd bandhig muhiim ah oo niyadda u dejin doona taageerayaashiisa lagana yaabo inay ka werweraan kuwa isaga wax u dhimaya.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo hoggaanka dalka Turkiga soo hayey in ka badan 20 sano wuxuu haatan la kulmayaa loollanki doorashada oo abid ugu adkaa.

Lix xisbi oo mucaarad ah ayaa u midoobay doorashada madaxtinimada iyo tan baarlamanka oo 14-ka May dhaceyso, iyaga oo madaxtinimada u soo xusahay Kemal Kilicdaroglu.

Kemal Kilicdaroglu, oo ah 74 jir hoggaamiya xisbiga mucaaradka Turkiga ugu weyne ee CHP siyaasaddiisuna tahay bidixda-dhexe wuxuu horay ugu guul darreystay doorashooyin uu madaxtinimo iisu soo taagay.

Balse doorashada sanadkan dhaceyso uu musharraxa ka yahay wuxuu uga duwan yahay waa musharraxa keli ah oo ay isku raaceen lix xisbi oo mucaarad ah.

Kamal Kilicdaroglu hoggaanka xulafada mucaaradka ee ay isbahaysteen wuxuu kula heeshiiyey hoggaamiyeyaasha xisbiyadaasi iney iyaguna wadaagaan xilka madaxweyne ku xigeenka.

“Markii aan maqlay warka ku saabsan caafimaadkiisa, waxaan Alle ka baryay in uu xanuunka igu wareejiyo,” ayay tiri Gurbet Dostum, oo ah Hooyo 42 jir ah oo haysata laba carruur ah. “Diyaar ayaan u ahay inaan isaga u xanuunsado, wax walba wuu na siinayay.”

Laakiin qaar badan oo halkan jooga ayaa dhaliishan oo ka soo horjeeda, sabababo la xiriira ah sicir-bararka baahsan ee Turkiga ka jira kaas oo lagu qiyaasay boqolkiiba 50. Khubaradu waxay eedaynayeen siyaasadda-dhaqaale ee aan “caadi ahayn” ee Madaxweynaha.

Hase yeeshee Gurbet Dostum waxay sheegtay in kuwa cabanayey ay yihiin kuwa ” hunguri weyn oo aan mahadda aqoon “.

“Wuxuu bedelay dalka,” ayay tiri Guldana, oo ah 57 jir oo iligga dheeman ah xirnayd. Erdogan ka hor Turkigu wuxuu ahaa tuulo.

Gabadh yar oo shaqo la’aan ah oo lagu magacaabo Ayse ayaa sheegtay in ay u codayn doonto Erdogan jacaylka ay u qabto dalkeeda. Sare ayuu dalkeena u sii qaadi doonaa, awood xoogganna waanu yeelan doonaa, ayay tiri.

Codbixiyeyaasha Turkiga sanada badan waxay ahaayeen kuwa dhinac ka raran, balse Erdogan oo 69 jir ah wuxuu haatan wajahayaa cadaadis xooggan oo aan horay loo arag, sida ra’yi uruurinta la sameeyey ay muujinayaan musharraxa Erdogan xlilka kula tartamaya ay rajadiisu wanaagsan tahay.

Xisbiga AK ee madaxweyne Erdogan wuxuu siyaasadda Turkiga uu ka soo muuqday bishii November 2002, halka hoggaanka dalka Turkigana uu qabtay wixi ka dambeeyey 2003-dii.

Erdogan oo muddo Raysal wasaare soo ahaa wuxuu xilka madaxweynaha uu qabtay 2014-kii, halka 2016-dina uu ka badbaaday afgambi dhicisoobay.

Xigasho BBC Somali