Madaxweynaha DFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe .

Madaxweynaha DFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe .

26. marts 2023 0 Af cisaleey.com

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Safarka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tagay degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa qeyb ka ah masuuliyiin ka tirsan dowladda Fedaraalka oo ay ka mid yihiin wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa si weyn waxaa halkaasi ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Amaanka guud ee degmada Aadan Yabaal ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana wadooyinka degmadaasi la dhoobay ciidamo aad u farabadan si ay u xaqiijiyaan amaanka degmada inta uu madaxweynaha ku sugan yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in halkaasi kulamo kula qaataan madaxda Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.