Dowlada Soomaaliya oo taageertay xariga Amiirka Urdun.

Dowladda Soomaaliya ayaa taageero u muujisay boqor Cabdallaha Urdun kadib tallaabada lagu xiray walaalkii Amiir Xamza bin Xuseen oo lagu eedeeyay in uu qalalaase iyo qas ka abuuri rabay halkaas

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka wasaraadda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay “Soomaaliya waxay taageereysa dhammaan tallaabooyinka iyo go’aanada uu qaaday boqor Cabdalla Bin Xuseen ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida boqortooyada”

Amiirka ayaa goor sii horraysay waxa uu shaaciyay laba muuqaal oo uu soo diray kuwaas oo uu ku andacoonayo in xabsi guri la galiyay.

Wuxuu ku eedeeyay madaxda Urdun musuq maasuq iyo maamul xumo.

Skriv et svar

Din e-mailadresse vil ikke blive publiceret. Krævede felter er markeret med *

Please reload

Vent venligst...