Cumar Cabdirashiid oo ka digey burbur ku yimaada shirarka Arrimaha Doorashooyinka.

Cumar Cabdirashiid oo ka digey burbur ku yimaada shirarka Arrimaha Doorashooyinka.

5. april 2021 0 Af cisaleey.com

a’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa qoraal soo dhigay Bartiisa Twitterka waxa uu ugaga digey burbur ku yimaad shirarka loogaga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in haddii lagu guuldareysto wadahadalka socda ama dhinac loo weeciyo dhabbaha wanaagsan ee lagu abuuri karo qorshe siyaasadeed cusub oo lagu xoojinayo heshiiska Doorashada 17-kii September 2020.

“Haddii si dhab ah ay u wada hadlaan Saamileyda Siyaasadda waxaa lagu gaari karaa Doorasho lagu kalsoonaan karo, waxyaabaha waaweyn ee ay wadaagayaan daneeyaasha waa in ay si faah-faahsan uga wada hadlaan nidaamka gorgortanka ajandaha oo haddii dhexdhexaadintu guuldareysato ama farsamada dhinac kale loo weeciyo la guuldareysan doono” Sidaasi waxaa yiri Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Wadahadalka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka ee Muddo xileedkoodu dhammaaday, Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir ayaa ah fursaddii ugu dambeysay oo ay uga xaajoonayaan arrimaha doorashooyinka gaar ahaan Caqabadaha hortaagan.