Beeraleyda Qaadka loo dhoofiyo Soomaaliya oo baarlamaanka Kenya ka dalbaday in Qaadka laga saaro liiska maandooriyaha.

Beeraleyda Qaadka loo dhoofiyo Soomaaliya oo baarlamaanka Kenya ka dalbaday in Qaadka laga saaro liiska maandooriyaha.

26. marts 2023 0 Af cisaleey.com

Beeraleyda Qaadka ayaa ka dalbaday baarlamaanka Kenya in qaadka ay ka saaraan liiska waxyaabaha loo aqoonsanyahay maandooriyaha.

Iyaga oo la hadlayay warbaahinta ayay sheegeen in waydiisteen codsigaan ha’adda NACADA ee Kenya u qaablisan ka hortaga daroogada, balse ay us heegtay hay’addu in codsigaan ay u gudbiyaan golaha sharci dajinta ee Kenya.

Mid kamid ah beeraleyda ayaa yiri : “waxaa jirta waqrad lagu weydiinayo[marka dalal shisheeye aan tagno], laakiin arrintan yaabka leh ah ayaa ah, dalalkaasi waxay ku doodaadayaan haddii ay dowladiinu qaadka u aqoonsan tahay daroogo, sidee u aqbalnaa innagu in qaadku yahay mid xalaal ah.”

Beeralayda ayaa doonaya in wax laga badalo Sharciga Xakameynta Daroogada ee la ansixiyay sanadkii 1994 tii, kaas oo qaadka ku daraya daroogada kadib markii laga helay labada maaddo ee kala ah, Cathine iyo Cathinone oo waxyeelo u leh miyir bani’aadamka.