Deprecated: Funktionen jetpack_form_register_pattern har været forældet siden version jetpack-13.4! Brug Automattic\Jetpack\Forms\ContactForm\Util::register_pattern i stedet. in /customers/0/b/1/cisaleey.com/httpd.www/wp-includes/functions.php on line 6078 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/0/b/1/cisaleey.com/httpd.www/wp-includes/functions.php:6078) in /customers/0/b/1/cisaleey.com/httpd.www/wp-content/plugins/onecom-vcache/vcaching.php on line 614 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/0/b/1/cisaleey.com/httpd.www/wp-includes/functions.php:6078) in /customers/0/b/1/cisaleey.com/httpd.www/wp-content/plugins/onecom-vcache/vcaching.php on line 622 Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /customers/0/b/1/cisaleey.com/httpd.www/wp-includes/functions.php:6078) in /customers/0/b/1/cisaleey.com/httpd.www/wp-includes/feed-rss2.php on line 8 Wararka Maanta – www.cisaleey.com https://www.cisaleey.com Wararkii ugu danbeeyay ee Dalka iyo Dibada. Sun, 30 Apr 2023 13:42:18 +0000 da-DK hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.5.3 https://usercontent.one/wp/www.cisaleey.com/wp-content/uploads/2023/03/cropped-316969_224480404274337_787342321_n-32x32.jpg?media=1679841072 Wararka Maanta – www.cisaleey.com https://www.cisaleey.com 32 32 216585348 Waa sidee xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan? https://www.cisaleey.com/2023/04/30/waa-sidee-xaaladda-caafimaad-ee-madaxweyne-recep-tayyip-erdogan/ https://www.cisaleey.com/2023/04/30/waa-sidee-xaaladda-caafimaad-ee-madaxweyne-recep-tayyip-erdogan/#respond Sun, 30 Apr 2023 13:32:14 +0000 https://www.cisaleey.com/?p=448

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii dib uga soo muuqday ololihii doorashada ee galbeedka Turkiga.

Waxa uu soo gaaray magaalada dekedda leh ee Izmir iyadoo dadweyne aad u fara badan oo saacado ku sugayay cadceed kulul ay soo dhaweeyeen. Wuxuu ahaa isu soo bax xooggan oo ka dhacay goob mucaaradku ku xooggan yihiin.

Ma jirin wax calaamad ah oo muujinayay xanuunkii sababay inuusan sameyn ololihiisa siyaasadeed ee muhiimka muddo 3 maalmood ah toddobaadkii tagay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu baajiyay howlihiisa doorashada ee loo qorsheeyay toddobaadkii hore.

Talaadadii, Erdogan ayaa waxaa la jaray wareysi toos ahaa oo uu taleefishin siinayay ka hor inta uusan soo laaban oo uu raaligelin ka bixin, iyada oo sababta lagu sheegay in caloosha ay xanuunaysay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Erdogan oo 69 jir ah ku yiri “(Arbacadii) waxaan ku nasan doonaa guriga anigoo raacaya talada dhaqaatiirteena”.

Erdogan ayaa sidoo kale yiri “Illahay idamkii waxaan sii wadeynaa barnaamijkeena laga bilaabo berri, waxaan sii wadi doonaa inaan ka shaqeyno sidii ummadeena aan jecelnahay u gaarsiin lahayn himilooyinka qarniga Turkiga”.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaad 40-daqiiqo ku hadlayay cod dheer, isagoo ku jeesjeesay mucaaradka sidoo kalana kor u qaaday aragtida “argagixisada”, wuxuuna sheegay in isaga kaliya uu hiigsiga Turkiga gaarsiin karo. Waxay ahayd bandhig muhiim ah oo niyadda u dejin doona taageerayaashiisa lagana yaabo inay ka werweraan kuwa isaga wax u dhimaya.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo hoggaanka dalka Turkiga soo hayey in ka badan 20 sano wuxuu haatan la kulmayaa loollanki doorashada oo abid ugu adkaa.

Lix xisbi oo mucaarad ah ayaa u midoobay doorashada madaxtinimada iyo tan baarlamanka oo 14-ka May dhaceyso, iyaga oo madaxtinimada u soo xusahay Kemal Kilicdaroglu.

Kemal Kilicdaroglu, oo ah 74 jir hoggaamiya xisbiga mucaaradka Turkiga ugu weyne ee CHP siyaasaddiisuna tahay bidixda-dhexe wuxuu horay ugu guul darreystay doorashooyin uu madaxtinimo iisu soo taagay.

Balse doorashada sanadkan dhaceyso uu musharraxa ka yahay wuxuu uga duwan yahay waa musharraxa keli ah oo ay isku raaceen lix xisbi oo mucaarad ah.

Kamal Kilicdaroglu hoggaanka xulafada mucaaradka ee ay isbahaysteen wuxuu kula heeshiiyey hoggaamiyeyaasha xisbiyadaasi iney iyaguna wadaagaan xilka madaxweyne ku xigeenka.

“Markii aan maqlay warka ku saabsan caafimaadkiisa, waxaan Alle ka baryay in uu xanuunka igu wareejiyo,” ayay tiri Gurbet Dostum, oo ah Hooyo 42 jir ah oo haysata laba carruur ah. “Diyaar ayaan u ahay inaan isaga u xanuunsado, wax walba wuu na siinayay.”

Laakiin qaar badan oo halkan jooga ayaa dhaliishan oo ka soo horjeeda, sabababo la xiriira ah sicir-bararka baahsan ee Turkiga ka jira kaas oo lagu qiyaasay boqolkiiba 50. Khubaradu waxay eedaynayeen siyaasadda-dhaqaale ee aan “caadi ahayn” ee Madaxweynaha.

Hase yeeshee Gurbet Dostum waxay sheegtay in kuwa cabanayey ay yihiin kuwa ” hunguri weyn oo aan mahadda aqoon “.

“Wuxuu bedelay dalka,” ayay tiri Guldana, oo ah 57 jir oo iligga dheeman ah xirnayd. Erdogan ka hor Turkigu wuxuu ahaa tuulo.

Gabadh yar oo shaqo la’aan ah oo lagu magacaabo Ayse ayaa sheegtay in ay u codayn doonto Erdogan jacaylka ay u qabto dalkeeda. Sare ayuu dalkeena u sii qaadi doonaa, awood xoogganna waanu yeelan doonaa, ayay tiri.

Codbixiyeyaasha Turkiga sanada badan waxay ahaayeen kuwa dhinac ka raran, balse Erdogan oo 69 jir ah wuxuu haatan wajahayaa cadaadis xooggan oo aan horay loo arag, sida ra’yi uruurinta la sameeyey ay muujinayaan musharraxa Erdogan xlilka kula tartamaya ay rajadiisu wanaagsan tahay.

Xisbiga AK ee madaxweyne Erdogan wuxuu siyaasadda Turkiga uu ka soo muuqday bishii November 2002, halka hoggaanka dalka Turkigana uu qabtay wixi ka dambeeyey 2003-dii.

Erdogan oo muddo Raysal wasaare soo ahaa wuxuu xilka madaxweynaha uu qabtay 2014-kii, halka 2016-dina uu ka badbaaday afgambi dhicisoobay.

Xigasho BBC Somali

]]>
https://www.cisaleey.com/2023/04/30/waa-sidee-xaaladda-caafimaad-ee-madaxweyne-recep-tayyip-erdogan/feed/ 0 448
Beeraleyda Qaadka loo dhoofiyo Soomaaliya oo baarlamaanka Kenya ka dalbaday in Qaadka laga saaro liiska maandooriyaha. https://www.cisaleey.com/2023/03/26/beeraleyda-qaadka-loo-dhoofiyo-soomaaliya-oo-baarlamaanka-kenya-ka-dalbaday-in-qaadka-laga-saaro-liiska-maandooriyaha/ https://www.cisaleey.com/2023/03/26/beeraleyda-qaadka-loo-dhoofiyo-soomaaliya-oo-baarlamaanka-kenya-ka-dalbaday-in-qaadka-laga-saaro-liiska-maandooriyaha/#respond Sun, 26 Mar 2023 11:20:29 +0000 https://www.cisaleey.com/?p=406 Beeraleyda Qaadka ayaa ka dalbaday baarlamaanka Kenya in qaadka ay ka saaraan liiska waxyaabaha loo aqoonsanyahay maandooriyaha.

Iyaga oo la hadlayay warbaahinta ayay sheegeen in waydiisteen codsigaan ha’adda NACADA ee Kenya u qaablisan ka hortaga daroogada, balse ay us heegtay hay’addu in codsigaan ay u gudbiyaan golaha sharci dajinta ee Kenya.

Mid kamid ah beeraleyda ayaa yiri : “waxaa jirta waqrad lagu weydiinayo[marka dalal shisheeye aan tagno], laakiin arrintan yaabka leh ah ayaa ah, dalalkaasi waxay ku doodaadayaan haddii ay dowladiinu qaadka u aqoonsan tahay daroogo, sidee u aqbalnaa innagu in qaadku yahay mid xalaal ah.”

Beeralayda ayaa doonaya in wax laga badalo Sharciga Xakameynta Daroogada ee la ansixiyay sanadkii 1994 tii, kaas oo qaadka ku daraya daroogada kadib markii laga helay labada maaddo ee kala ah, Cathine iyo Cathinone oo waxyeelo u leh miyir bani’aadamka.

]]>
https://www.cisaleey.com/2023/03/26/beeraleyda-qaadka-loo-dhoofiyo-soomaaliya-oo-baarlamaanka-kenya-ka-dalbaday-in-qaadka-laga-saaro-liiska-maandooriyaha/feed/ 0 406
QM Oo Rajo Ka Muujisay Sii Socoshada Wadahadala u Dhaxeeya DF iyo Dowlad Gobaleedyada. https://www.cisaleey.com/2021/04/05/qm-oo-rajo-ka-muujisay-sii-socoshada-wadahadala-u-dhaxeeya-df-iyo-dowlad-gobaleedyada/ https://www.cisaleey.com/2021/04/05/qm-oo-rajo-ka-muujisay-sii-socoshada-wadahadala-u-dhaxeeya-df-iyo-dowlad-gobaleedyada/#respond Mon, 05 Apr 2021 10:52:06 +0000 https://www.cisaleey.com/?p=298 Xafiiska Qaramada Midobay ee Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyay wada hadalada u socda madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka .

QM ayaa sheegtay in ay dhiira gelineyso Kulamada hor-u dhaca ah ee u dhaxeya dowladda Fedaraalka iyo dowlad gobaleedyada , kaas oo furmay 3 Bishan .

“QM waxaa dhiiri galiyneysa Wadahadalada  DFS iyo dhamaan hogaamiyaasha dowleedyada ee Hor u dhaca ah , kuwaas oo laqabtay 3-4 Abriil. Waxaan fahamsanahay in hogaamiyayaashu qorsheynayaan inay sii wadaan  wadahadalkooda, waxaanna ku boorrinaynaa inay ku gaaraan heshiis wadahadalladaan muhiimka ah.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska QM ee Soomaaliya .

adalka QM ayaa yimid iyadoo muddo labaa maalin ah wadahadalo hor u dhac ah madaxda dowladda iyo kuwa dowlad gobaleedyada Muqdisho uga socdeen , wallow maanta la nasanayo madaxdana berri oo Talaada ah wada hadalada dib u bilaabi doonaan .

]]>
https://www.cisaleey.com/2021/04/05/qm-oo-rajo-ka-muujisay-sii-socoshada-wadahadala-u-dhaxeeya-df-iyo-dowlad-gobaleedyada/feed/ 0 298
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay kiisas cusub oo Covid 19 ah. https://www.cisaleey.com/2021/04/05/dowladda-soomaaliya-oo-shaacisay-kiisas-cusub-oo-covid-19-ah/ https://www.cisaleey.com/2021/04/05/dowladda-soomaaliya-oo-shaacisay-kiisas-cusub-oo-covid-19-ah/#respond Mon, 05 Apr 2021 10:42:56 +0000 https://www.cisaleey.com/?p=295 Wasaaradda  Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in 24 saac ee la soo dhaafay cudurka COVID-19 laga baaray 1176 ruux.

Warbixinta ayaa sheegtay  in la diiwaan geliyey 160 bukaan cusub oo la nool cudurka COVID-19 , taas oo ka dhigan in weli ay jirto khatarta uu dalkeena ku haayo cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Waxa ay intaa ku dartay in 24 saac ee la soo dhaafay ay 11 qof ay u dhimatay cudurka COVID-19 halka ay ka bogsadeen 65 qof.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan oo hore sheegtay in uusan jirin taxadir badan oo ay bulshadu muujinayaa si looga hortago khatarta cudurkan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan dadka ku amray in ay waajib tahay xirashada afsaarka ama Face maska iyadoo qof aan u hogaansamin lagu ganaaxayo lacag dhan $ 5 dollar.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online

]]>
https://www.cisaleey.com/2021/04/05/dowladda-soomaaliya-oo-shaacisay-kiisas-cusub-oo-covid-19-ah/feed/ 0 295
Dowlada Soomaaliya oo taageertay xariga Amiirka Urdun. https://www.cisaleey.com/2021/04/05/dowlada-soomaaliya-oo-taageertay-xariga-amiirka-urdun/ https://www.cisaleey.com/2021/04/05/dowlada-soomaaliya-oo-taageertay-xariga-amiirka-urdun/#respond Mon, 05 Apr 2021 10:22:51 +0000 https://www.cisaleey.com/?p=292 Dowladda Soomaaliya ayaa taageero u muujisay boqor Cabdallaha Urdun kadib tallaabada lagu xiray walaalkii Amiir Xamza bin Xuseen oo lagu eedeeyay in uu qalalaase iyo qas ka abuuri rabay halkaas

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka wasaraadda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay “Soomaaliya waxay taageereysa dhammaan tallaabooyinka iyo go’aanada uu qaaday boqor Cabdalla Bin Xuseen ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida boqortooyada”

Amiirka ayaa goor sii horraysay waxa uu shaaciyay laba muuqaal oo uu soo diray kuwaas oo uu ku andacoonayo in xabsi guri la galiyay.

Wuxuu ku eedeeyay madaxda Urdun musuq maasuq iyo maamul xumo.

]]>
https://www.cisaleey.com/2021/04/05/dowlada-soomaaliya-oo-taageertay-xariga-amiirka-urdun/feed/ 0 292
Wiil Soomaali ah oo lagu diley Canada https://www.cisaleey.com/2021/04/05/wiil-soomaali-ah-oo-lagu-diley-canada/ https://www.cisaleey.com/2021/04/05/wiil-soomaali-ah-oo-lagu-diley-canada/#respond Mon, 05 Apr 2021 10:15:08 +0000 https://www.cisaleey.com/?p=290 Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Haabiil Axmed Cabdullaahi Xasan oo ahaa 21 sano jir Somali-Canadian ahaa ayaa lagu diley Magaalada Toronto ee caasimada dalka Canada.

War kasoo baxay Booliiska magaalada Toronto ayaa lagu sheegay in Haabiil uu ku dhintey rasaas la furay xilli ay wadada marayeen,waxaana rasaastaasi ku dhaawacmay qof la socday.

Falkan dilka iyo dhaawaca ah ee loo geestay muwaadidiinta Soomaaliyeed ayaa looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen labo nin dhalinyaro madow ah kuwaa oo la helay gaarigii ay wateen iyo qoryihii ay weerarka u adeegsadeen.

Dalka Canada ayaa waxaa ku soo badanaya dilalka loo geysto dadka asalkoodu yahay Soomaali.

]]>
https://www.cisaleey.com/2021/04/05/wiil-soomaali-ah-oo-lagu-diley-canada/feed/ 0 290
Cumar Cabdirashiid oo ka digey burbur ku yimaada shirarka Arrimaha Doorashooyinka. https://www.cisaleey.com/2021/04/05/wiil-soomaali-ah-oo-lagu-dilay-dalka-canada/ https://www.cisaleey.com/2021/04/05/wiil-soomaali-ah-oo-lagu-dilay-dalka-canada/#respond Mon, 05 Apr 2021 10:01:48 +0000 https://www.cisaleey.com/?p=282 a’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa qoraal soo dhigay Bartiisa Twitterka waxa uu ugaga digey burbur ku yimaad shirarka loogaga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in haddii lagu guuldareysto wadahadalka socda ama dhinac loo weeciyo dhabbaha wanaagsan ee lagu abuuri karo qorshe siyaasadeed cusub oo lagu xoojinayo heshiiska Doorashada 17-kii September 2020.

“Haddii si dhab ah ay u wada hadlaan Saamileyda Siyaasadda waxaa lagu gaari karaa Doorasho lagu kalsoonaan karo, waxyaabaha waaweyn ee ay wadaagayaan daneeyaasha waa in ay si faah-faahsan uga wada hadlaan nidaamka gorgortanka ajandaha oo haddii dhexdhexaadintu guuldareysato ama farsamada dhinac kale loo weeciyo la guuldareysan doono” Sidaasi waxaa yiri Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Wadahadalka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka ee Muddo xileedkoodu dhammaaday, Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir ayaa ah fursaddii ugu dambeysay oo ay uga xaajoonayaan arrimaha doorashooyinka gaar ahaan Caqabadaha hortaagan.

]]>
https://www.cisaleey.com/2021/04/05/wiil-soomaali-ah-oo-lagu-dilay-dalka-canada/feed/ 0 282
Xasan Sheikh: Madaxweyne Farmaajo colaadiisu waxay gaartay inuu ciidanka ilaalayda ah ka goosto mushaarkii iyo raashinkii. https://www.cisaleey.com/2021/04/05/xasan-sheikh-madaxweyne-farmaajo-colaadiisu-waxay-gaartay-inuu-ciidanka-ilaalayda-ah-ka-goosto-mushaarkii-iyo-raashinkii/ https://www.cisaleey.com/2021/04/05/xasan-sheikh-madaxweyne-farmaajo-colaadiisu-waxay-gaartay-inuu-ciidanka-ilaalayda-ah-ka-goosto-mushaarkii-iyo-raashinkii/#respond Mon, 05 Apr 2021 09:28:50 +0000 https://www.cisaleey.com/?p=263  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda madaxweyne Farmaajo ay colaadin joogto ay ku haysay tan iyo sanadkii 2018, goortaas uu bilaabay inuu dhaliilo siyaasada dowladda.

Xasan Sheikh Maxamuud oo wareysi uu siiyay Radio Kulmiye ayaa sheegay mid kamid ah colaadinta uu ka sheeganayo maamulka madaxweyne Farmaajo in ay ahayd kadib markii ciidanka ilaaladiisa ahaa laga goostay mushaarkii iyo raashinkii la siin jiray.

Xasan Sheikh wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda isku dayday in la dilo 19 kii febraayo, kadib markii uu sheegay in hotelkii uu degenaa weerar lagusoo qaaday, balse uu ka badbaaday weerarkaas.

“Habeenkii oo dhan xabbad ayaa nagu socotay, waxaa la rabay in nala dilo kadibna la yiraahdo isku dhac ciidan ayay ku dhinteen, laakiin tabartooda ayaa u diiday mooyee, waxba nooma reeban,” ayuu yiri madaxweyne hore Xasan Sheikh Maxamuud.

Waxa uu sheegay Xasan Sheikh Maxamuud in ay dulqaadkooda kaga gudbeen waxyaalo badan oo uu ku kalifi karay in ay caroodaan oo ay colaad iyo dagaal sakooye ka bilaabaaan Muqdisho.

“ Maalin walba Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu la boodayaa qori dab leh. Anaga siyaasiyiinta ah iyo dadka magaaladan degen waaye cidda masuulka ah nabada la haysto,” ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ayaa ugu dambayn sheegay in aysan weli ka tanaasulin mudaharaadkii ay ku baaqeen, isagoo sheegay in ay uusan marnaba ka tanaasulidoonin waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online

]]>
https://www.cisaleey.com/2021/04/05/xasan-sheikh-madaxweyne-farmaajo-colaadiisu-waxay-gaartay-inuu-ciidanka-ilaalayda-ah-ka-goosto-mushaarkii-iyo-raashinkii/feed/ 0 263