11. august 2020

Roobab baab’iyay garoonkii diyaaraddaha ee Baraawe oo sida la sheegay lagu dhisay 4.3 milyan oo dollar.

Roob mahiigaan ah oo habeeno ka hor ka da’ay gobolka Shabeeladda hoose ayaa baab’iyay garoonkii diyaaraddaha ee Baraawe ee dowladda federalku ku dhistay 4.3 milyan oo dollar.

Arrintaan ayaa waxay fadeexad ku noqonaysaa madaxda Soomaaliya oo dhawaan xariga ka jaray garoonkaan iyagoo sheegay in lagu dhisay lacag dhan 4.3 milyan oo dollar oo midowga yurub uu bixiyay.

Iyadoo horey walaac looga qabay muuqaalka guud ee garoonka iyo dhaqaalaha intaas le’eg ee dowladdu ku bixisay, ayaa hadana waxyeelada uu roobku ugeystay waxay soo dadajisay oo rumaysay shakigii ku aadanaa in uu jiro musuq maasuq xoogan lagu sameeyay dhaqaalihii garoonka.

Arintaan waxay sidoo kale dhaawac ku noqon kartaa dowladda federalka Soomaaliya oo horey ugu faani jiray inay la dagaalantay musuq maasuqa.