11. august 2020

AMISOM oo xanibaad kusoo rogtay xerada Xalane.

MISOM ayaa xanibtay gelitaanka xarunta Halane oo ay ku yaalliin safaarado shisheeye iyo taliska guud ee ciiddanka Amisom. Xanibaadaan waxay qayb ka tahay dadaal loogu talagalay in lagu joojiyo fiditaanka Coronvirus.

Bayaan kasoo baxay Amisom ayaa  lagu sheegay in iyagoo tixgalinayo baahida loo qabo in la xakameeyo cudurka coronavirus ay xerada Xalane ku soo rogtay xayiraad muddo 30 cisha ah oo ka bilaabanaysa saqda dhexe ee caawa.

Jimcihii ayaa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo wasaaradda caafimaadka ee dalka waxa ay xaqiijiyeen in kiiskii saddexaad ee coronavirus laga helay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xerada milateriga ee Xalane.