11. august 2020

Soomaaliya oo Xaanibeysa Dadka ka Imanaya Dalalka ugu Daran ee COVID19.

Dawladda Soomaaliya ayaa waddanka ka mamnuucday dadka safarkoodu kasoo bilowday ama soo dhexmaray wadamada uu sida weyn u saamaayey cudurka Corona Virus.

Ogeysiis ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo ay faafisay Hay’adda Duulista Hawada ayaa lagu sheegay in dadka kasoo safra waddamada China, Iran, Korea iyo Talyaaniga ama soo dhexmaray 14-kii malamood ee u dambeysay aan loo oggolaan doonin in ay soo galaan Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa dawladdu sheegtay in loo qaaday si looga hortago inuu cudurku soo galo Soomaaliya ama ku faafo.

Duuliyeyaasha diyaaradaha imanaya garoomada diyaaradaha Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu wargeliyey in haddii ay ka war helaan inta ay soo socdaan qof qaba ama muujiyey calaamadaha cudurkaas ay degdeg u soo wargeliyaan mas’uuliyiinta duulista rayidka si loogu diyaargaroobo.

Dhanka kale, dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo xubnaha deeq bixiyaasha ah ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa iska kaashanayo dhismaha xarumaha Karintiilka ee dadka lagu hayo marka ay ka imanayaan dalalka ugu daran ee cudurka Coronavirus uu faraha ba’an ku hayo.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ahmiyadda koobaad ay siinayaan xakameynta cudurkan xilli wadamada deriska la ah Soomaaliya sida Kenya iyo Ethiopia ay soo weriyeen kiisas xanuunkan ah.