![]() |
||
|
|
Muxaadaro
Heeso
Tahniyadaha Sawiro
Gabayo
Tacsiyadaha
Cayaaraha
Odayaal
ka tirsan Beesha Mudullood oo sheegay in laga noqday xil ka qaadistii lala
damacsanaa Maareeyaha Dekeda Muqdisho Cabdi Jiinow.
Muqdisho,cisaleey,09.Mar.2010
Odayaal ka soo jeeda Beesha Mudullood ayaa
sheegay in Madaxweyne Shariif oo dhowaan damacsanaa inuu xilka
ka qaa-do Maareeyaha Dekeda Muqdisho uu ka laabtay xilka
qaadista, kadib markii ay codsi u jeediyeen.
"Beesha Mudullood iyadoo ka duuleysay warar maalmihii jiray ayaa kulan ay la
qaadatay madaxda ugu sareysa dowladda waxay kaga codsaday in laga laabto xilka ka qaadista Cabdi Jiinow Maareeyaha Dekeda, Madaxweynahana waa naga aqbalyay"ayuu yiri Nabadoon Jilicow.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Beesha Mudullood ay taageersan
tahay in dowladda Sooma-aliya, isla markaana ay la garab taagan tahay wax walba,
waxaana uu sheegay in ay u mahad celinayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo
R/wasaaraha oo dadaalka qeyb ka ahaa sida uu yiri.
Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo
|
|
|
|
||