Muqdisho,cisaleey,09.Mar.2010
Maamulka Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-Jameeca
ayaa shaaca ka qaaday in
aanay marna ka tanaasuleyn Magaca Ahlusuna, kadib markii dhowaan
heshiis awood qeyb ku dhex maray magaalada Addis Ababa ee dalka
Itoobiya iyaga iyo dowladda Soomaaliya.
Madaxa Warfaafinta Ahlusuna Shiikh C/-laahi Abuu Yuusuf Al-Qaadi
ayaa shee-gay in aanay ka tanaasuleyn magaca Ahlusuna, xitaa
hadii ay ku biiraan dowl-adda, isagoo sheegay in magacaas uu kor
yeelay culimada soomaaliyed iyo b-ad baadinta shacabka.
Abuu Yuusuf ayaa ka warbixiyay kulamo maalmihii u dambeeyay u
soconayay saddexda gole ee Ahlusuna Wal-jameeca, waxaana uu sheegay in
golayaasha Ahlusuna ay warbixin ka dha-geysanayaan wafdigii Ahlusuna uga qeyb
galay heshiiskii Addis Ababa.
Waxaa uu sheegay in warbixin lagaga dhageystay wafdiga uu horkacayay Macalin
Maxamuud Shiikh Xasan oo ah Gudoomiyaha guud ee culumaa'udiinka Ahlusuna, kadib
markii ay ka soo laabteen shirkii Addis Ababa, isagoo xusay in ay wada xaajood u
socdaan.
Golayaasha Ahlusuna ayaa awood u leh in ay diidaan heshiiskaas, hase ahaatee
waxaa muu-qanaya wada tashiyo xoog leh oo ay leeyihiin culumaa'udiinka, kaasoo
aanay wali wax war ah uga soo saarin.
Culumaa'udiinka Ahlusuna ayaa gacanta ku haaya gobolada dhexe ee Soomaaliya,
waxaana sanad ka hor ay ka mid noqdeen awoodaha siyaasadeed ee dalka ka jira,
kadib markii ay legdeen Shabaab iyo Xizbul Islaam.
Ha moogaanin
cisaleey.com saacad walbo
cisaleeynews@hotmail.com