Muxaadaro

 

 

 

Heeso

 

Tahniyadaha

Sawiro

 

Gabayo

 

Tacsiyadaha

 

Cayaaraha

 

 

           

          

 

 

 

 

Madaxweyne Shariif oo la kulm-ay R/wasaaraha Ingiriiska Gord-on Brown.

 

 

 

Muqdisho,cisaleey,09.Mar.2010

Madaxweynaha dowladda soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo magaal-ada London ku sugan iminka ayaa xalay waxa uu la kulmay madax ka tirsan do-wladda Britain oo uu kamid yahay Ra’iis-al wasaaraha Wadankasi Golden Brown.
 
Madaxweynaha ayaa kulanka uu la qaat-ay Mr. Brown waxa ay kaga wada hadl-een arrimo dhinaca Ammaanka uu ugu horeeyo, waxaana Madaxweyne Shariif uu codsaday in wax waliba oo looga ba-ahan yahay dalka Soomaaliya lagu qab-an karo marka la helo nabad.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Nabadda ayuu xusay in ay tahay mid laga doonayo dhalinteeda Beesha Caalamka in ay gacan ka geysato isla markaasina ay kala qeyb qaataan sidii Soomaaliya ay u heli laheyd ciidan qa-labeysan oo agabkooda oo dhan u dhameystiran yahay isla markaasina dagaal geli kara dha-qaalena lagu taageero.
 
Sidoo kale waxa ay kawada hadleen arrimaha Burcad badeedka Soomaalida ee sii kordheysa, waxaana ay dowladda Soomaaliya sheegtay in wax laga qaban karo burcad badeedka marka bariga lagala soo dagaalamo oo ah mar waliba halka ay geeyaan maraakiibta ay afduubtaan dadka saaran.
 
Arrimaha kale ee muhimka ah ee ay ka hadleen ayaa waxaa kamid ah labada ruux ee u dha-shay wadanka Britain ee lagu heysto wadanka Soomaaliya iyadoo Madaxweyne Sheekh Sha-riif lagu cadaadiyay in uu si aad ah uga shaqeeyo dadkaasi sidii loosii deyn lahaa iyaga oo bad qaba isla markaasina ay dalkooda dib ugu soo laaban lahaayeen.
 
Wasiirka Arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Cali Axmed Jaamac (Jangali) ayaa waxa uu sheegay in wada hadalka labadaasi mas’uul uu si wanaagsan kusoo gaba gaboobay isla markaasina natiijo wanaagsan ay kala gaareen isaga oo rajeeyay in waxyaabaha ay kawada hadleen laga mira dhalin doono.
 
Madaxweyne Shariif ayaa lagu wadaa 3-da maalmood ee uu kujoogi doono wadanka Britain in uu la kulmo jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo sidoo kale madax kala duwan oo katirsan Dowl-adda Britain.












 

 

Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo

    cisaleeynews@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

                                       

                       

                                                                          Free counter and web stats        Copyright 2007 cisaleey.com,disegned by Abukar Mohamed Abukar (webmaster@cisaleey.com)