![]() |
||
|
|
Muxaadaro
Heeso
Tahniyadaha Sawiro
Gabayo
Tacsiyadaha
Cayaaraha
Wasiiru dowlaha gaashaandhiga oo ku eed-eeyay kooxaha
mucaaradka in goobaha sha-cabka madaafiic ka soo tuuraan.
Muqdisho,cisaleey,09.Mar.2010
Wasiiru dowlaha gaashaandhiga dowla-dda
Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade ayaa iska
fogeeyay in mas'uuliyada qasaaraha shacabka ka soo gaaray
duqeymaha had iyo jeer ka dhaca magaalada Muqdisho.
"Nimankaan mooryaan diimeedka ayaa waxay mar walba daan daansi madaaf-
iic ugu soo tuuraan xeryaha ciidamada, iyagoo shacabka dhexdiisa ka soo ridaya"ayuu yiri Mr Indhacade oo sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay heegan ugu jiraan jawa-ab ka bixinta weerarada lagu soo qaado.
Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dhibaatada
shacabka soo gaarta, hase aha-atee waxaa uu farta ku fiiqay in wixii dhib oo soo
gaara shacabka ay mas'uuliyadooda leeyi-hiin kooxaha mucaaradka.
Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo
|
|
|
|
||