|
|
ore
sponsortryk med Adidas Muslima.com is a leading Muslim
matrimonial and marriage site bringing together
thousands Muslim women and men from around the
world. If you're looking for a site to give you more than
Kooxaha
mucaaradka oo kala daadsan xoo-gan laga dareemayo xilli dowladda diyaar garowgii
ugu dambeeyay ugu jirto guluf dagaal.(War-bixin)
Muqdisho,cisaleey,08.Mar.2010
Iyadoo maalmihii la soo dhaafay magaa-lada
Muqdisho ka jirtay dhaq dhaqaaq ciidan iyo hadal heynta duulaan
ballaar-an oo ay dowladda Soomaaliya qorshe-yneyso, kaasoo ay
kala qeyb qaadanay-aan Ciidamada Amisom iyo kuwa Mare-ykanka.
Diyaar garowga iyo abaabulada muuqda ayaa waxay yihiin, kuwo
dowladda soo-maaliya ay muddo badan ay diyaariney-say, iyadoo
haatan ay heysato Ciidamo fara badan oo dibada lagu soo
tababar-ay, kuwaasoo u caaboon sidii ay uga q-eyb qaadan
lahaayeen dagaalka ay do-wladda damacsan tahay in ay ku qabsa-
to gobolada dalka iyo Caasimada Muqdisho.
Laakiin kooxaha mucaaradka oo aan u diyaar garoobin sidii
loogu martay ayaa waxaa xilligan laga dareemayaa kala daadsanaa xoogan iyo
habacsanaan, taasoo salka ku heysa khilaafka ka dhex aloosan ee dhinaca Mabda'a
ah.
Habacsanaanta xilligan heysata mucaaradka ayaa dhowr arrimood loo sababeynayaa,
waa tan kowaadee iyagoo aanay heysan taageerada shacabka, isla markaana in badan
oo gobolada dalka ay maamulaan shacabka ku soo rogeen amaro ad adag, tan labaad
ayaa ah mid hadii gunta hoose laga eego ay tahay khilaafka aan qarsooneyn,
ugaarsi ay isku hayaan Shabaabka iyo Xizbul Islaam.
Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay fursad u aragtay colaad horay u
qarsooneyd oo hada soo bidhaantay taasi oo dhex taala lixaadyada Mucaaradka ee
kala ah Xizbul Islaam iyo Al-Shabaab.
Qaar ka mid dadka Soomaaliyeed ee si aad ka ah ugu nugul siyaadadaha Soomaaliya
ayaa sheegaya iyana in dowladda ay heshay fursad horay loo saadaalinayay oo ah
in colaada Xizbul Islaam iyo Al Shabaab ay soo dhalaasho.
Intaasi oo dhan marka laga soo tago warar kale ayaa sheegaya in Madaxweynaha
Soomaa-liaya Shariif uu wajiga ka dadbaday natiijo uu saadaaliyay taasi oo ah
cabashada iyo qasaar-aha dadka rayid ka ah xilliga dagaalka dhacoo, waxaana
Madaxweyne Shariif la sheegay in uu wax badan ka walaacsan yahay weerarka marka
loo fiiryo sumacad daro uga timaada waxye-elada dagaalka ka gaarta shacabka.
Dhaq dhaqaaqyada ciidan ay wadaan Ciidamada dowladda ayaa ah kuwo dheeli tiran,
waxaa-na socda abaabulo xoogan oo ay dowladda ugu jirto sidii weeraro ballaaran
u qaadi laheyd maalmaha soo socda.
Ciidamada Dowladda oo u badan dhalinyaro ayaa markii u horeysay todobaadyo kadib
markii ay gaabis noqdeen hadalada goodinta waxay bilaabeen dhaq dhaqaaq ciidan
oo ka duwan ku-woodii hore, waxaana la arkayaa iyadoo ciidamada la geynayo
aagaga dagaalka iyo xerooyin dhowr ah
Magaalada Muqdisho oo iyadu ah dagaal sugto ayaa degan marka laga reebo dhaq
dhaqaaqa ciidan ee jira, waxaa gaabsi u muuuqda mucaaradka , dadka shacabka ah
ayaa dhararaya d-agaalka oo raba in lagu kala baxo.
Ha moogaanin
cisaleey.com saacad walbo
cisaleeynews@hotmail.com
|
|