Muxaadaro

 

 

 

Heeso

 

Tahniyadaha

Sawiro

 

Gabayo

 

Tacsiyadaha

 

Cayaaraha

 

 

ore sponsortryk med Adidas Muslima.com is a leading Muslim matrimonial and marriage site bringing together thousands Muslim women and men from around the world. If you're looking for a site to give you more than

           

          

 

 

 

 

MAREYKANKA IYO URURKA AL-QAACIDA OO WAREEGA LABAAD KU DAGAALAMI-DOONO SOOMALIYA.‏

 

 

 

Muqdisho,cisaleey,08.Mar.2010

Ururka mayalka adag ee Al-qaacido iyo Mareykanka oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku dagaalamaayay meelo bad-an oo ka tirsan adduun-weynaha, gaar ahaan Afghanistan, Pakistan, Ciraq iyo meelo kale oo badan, balse dagaaladii ugu ba'ney ay ku dhex mareen buuraha  dhaadheer ee tora bora-ha Afghanistan iyo Pakistan. 
 
Iyadoo la  moodo, inay Al-qaacido talo gacantooda ka baxday, markii Maamulka Madaxweyne Barack Obama uu dhowa-an Ciidan gaaraaya 30.000 kun oo dhe-eraad ah uu  u diray gobalkaas  oo ay dagal-yahanada Al-qacido ku xooganaa-

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

yeen dhowrkii sano ee la soo dhaafay, laakin hadda sida ay wararku sheegayeen, alqaacido waa loo awood sheegtay oo waxaa laga dhigey wax la dilay, wax la qabtay iyo wax cararay.

 

 

Sida ay sheegayaan Sir-doonyada Dowlado kala duwan, firxad-kii  Al-qacido waxay ku  soo wajahan yihiin Soomaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo Kismaayo, sidoo kale Yemen, balse Yemen waxaa ka jirta  dowlad ilaa xad iska caabin karta kooxahaan wax qarbuda ee loo yaqaano Al-qaacido iyo Al-shabab.
 
Ilo  wareedyo, lagu kalsoonaa karo waxay xaqiijinaayaan in uu Mareykanku soo daba geli-doono firxadka Al -qaacidada, dhowaan loogaga itaalka roonaatay Afghanistan iyo Pakistan ee ku soo wajahan Somaliya, iyadoo horeyba Soomaliya ay  u joogeen kumanyaal dagaalyahano ajnabiyaal ah, Mareykanku horey ayuu u caddeeyay in uu aduunka oo dhan ka ugaarsan-doono Argagixisada caalamiga ah, gaaar ahaan meelihii  la hubiyo inay ku xoogan yihiin argagexisada caalamiga ah, sidaas daraadeed sida la filaayo, wareegga labaad ,Mareykan iyo Al-qaacido waxay ku daagalami doonan Soomaliya oo ay ku sugan yihiin kumanyaal Argagexiso ah iyo firxadka  hadda ku soo socda Soomaliya.
 
Arrintaan, waxay ku soo beegmeysaa, xilli uu gabagabo maraayo diyaargarow dagaal ka dhan ah  kooxaha dowlad-diidka ah ee  ay  Soomaliya ka  degi la' dahay labaatankii (20) sano ee la soo dhaafay, iyadoo diyaargarowgaan dowlada KMG ah laga soo bilaabaayo, markii uu Madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Ahmed uu xirtey Tuutaha Ciidahada qalabka sida, dhammadkii sanadkii tegay ee 2009kii.
 
Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaarada Gaashandhigga DKMG ah,  oo cod-sadey inaan magaciisa la shaacin, ayaa xaqiijiyay in dhammaan Cidamada kala duwan ee Dowlada KMG ah, loo dhameystiray agabkii ay ku fulin lahaayeen waajibaadkooda ciidan, balse ay sugaayaan oo qura xabada fura.
 
Shacabka Soomaliyeed, wuxuu xushmad iyo qadarin u haayaa culumaa'udiinka ahlu sunnah wal jameecah oo ah dariiqo nabadeed oo  aad u fac weyn, laakin waxaa aad looga shaki qabaa shaqsiyaad shar-wadayaal  ah oo  uu dardaray xukun jaceyl  oo mar dhow ku biiray  dallada ahlu sunnah wal jameecah.

 


Xil. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
     Jowhar53@hotmail.com
     Rochester, MN.











 

 

Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo

    cisaleeynews@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

                                       

                       

                                                                          Free counter and web stats        Copyright 2007 cisaleey.com,disegned by Abukar Mohamed Abukar (webmaster@cisaleey.com)