BBC Somali

VOA Somali

Radio Muqdisho

 

 

 

 

 

 

Muxaadaro

 

 

 

Heeso

 

 

Tahniyadaha

Sawiro

 

Gabayo

 

Tacsiyadaha

 

Cayaaraha

 

 

ore sponsortryk med Adidas Muslima.com is a leading Muslim matrimonial and marriage site bringing together thousands Muslim women and men from around the world. If you're looking for a site to give you more than

 

 

 

 

 

 

Ciidamo Itoobiyaan oo aad u fara badan oo maanta gaaray Gobolka Bakool.

 

 

 

Muqdisho,cisaleey,07.Feb.2010 Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa maanta gudaha u soo galay degmada Ceel-barde ee gobolka Bakool, kuwaasoo ka soo tallaabay xuduuda, waxaana ciida-mada howl galo ay ka sameeyeen magaalada ku qab qabteen tiro dad ah.
 
Dad deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiy-aanka ay wataan baabuurta Uuraalada, isla markaa-na ay wehliyaan saraakiil dhowr ah, kuwaasoo aan la ogeyn ujeedada ay u yimaadeen
.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Aadan Saransoor oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamadaas ayaa beeniyay warar-ka sheegaya in ciidamada Itoobiyaan ay wehliyaan, waxaana uu sheegay in ciidamada howl galka fuliyay ay yihiin kuwo dhowaan tababar u soo dhamaaday oo ka tirsan ciidamada dow-ladda.
 
"Ma jirto wax ciidamo Itoobiyaan ah oo nala socda, ciidamada dowladda ayaa soo gaaray Ceel-barde, waana ciidamo tababar u soo dhamaaday oo dareys milateri xiran"ayuu yiri Aa-dan saransoor oo intaa ku daray in deegaanka Ceel-barde ka qab qabteen dhalinyaro uu ku eedeeyay in ay yihiin kooxaha nabad diidka ah.
 
Imaantinka ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa soomaalida ayaa ku soo aadaya xilli dowladda soomaaliya ay dhowaan sheegtay in ay wado qorshayaal ay ku weerareyso kooxaha ka soo horjeeda , waxaana sidoo kale jirta in deegaano tirsan gobolka Hiiraan ay soo gaareen ciid-amo Itoobiyaan ah.




 




 
 

Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo

    cisaleeynews@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Somali Links

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
                                       

                       

                                                                          Free counter and web stats        Copyright 2007 cisaleey.com,disegned by Abukar Mohamed Abukar (webmaster@cisaleey.com)