BBC Somali

VOA Somali

Radio Muqdisho

 

 

 

 

 

 

Muxaadaro

 

 

 

Heeso

 

 

Tahniyadaha

Sawiro

 

Gabayo

 

Tacsiyadaha

 

Cayaaraha

 

 

ore sponsortryk med Adidas Muslima.com is a leading Muslim matrimonial and marriage site bringing together thousands Muslim women and men from around the world. If you're looking for a site to give you more than

 

 

 

 

 

 

Gen. Galaal oo sheegay inuu ho-wlo milateri u joogo gobolka Ga-lgaduud.
 

 

 

 

Muqdisho,cisaleey,07.Feb.2010 Gen. Maxamed Nuur Galaal oo maalmahan booqasho ku joogay Go-bolka Galgaduud ayaa markii u horeysay ka warbixi-ysay socdaalka isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku joogaan.
 
Gen. Galaal ayaa sheegay inuu u yimid gobolka Galg-aduud sidii uu u komeeri lahaa xaalada dadka, isla markaana qiimeyn ugu sameyn lahaa nabadgelyada gobolka oo uu sheegay in wax weyn laga qabtay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Isagoo suxufiyiinta kula hadlayay degmada Guriceel ayaa Genanku waxaa uu ugu horeyn ku tilmaamay imaanshihiisa gobolka muddo sanado kadib inuu ugu hambalyeeyo Culumaa'udii-nka Ahlusuna guusha ay ka gaareen dhinacyada ka soo horjeeda sida uu hadalka u dhigay.
 
"Waxaan u nimid inaan u hambalyeyno dadka iyo Culumaa'udiinka Ahlusuna guusha ay ka gaareen, nimankaas magacyada badan ee dadka leynaya oo gaaleysanaya"ayuu yiri Gen. Galaal oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu qibrad xaga ciidamada uu siiyo Xoogaga Ahlu-suna Wal-jameeca.
 
Gen. Galaal ayaa xusay in ciidamada Ahlusuna ay noqdeen kuwo waayo aragnimo ka qaaday la dagaalanka kooxaha shaarka diimeed huwan, isagoo xusay in haatan diyaar u yahay inuu ku biiriyo qibrado dheeraad ah si ay isaga caabiyaan hadii mar kale duulaan lagu soo qaado.
 
"Horta Ciidamadan waayo aragnimo dheeraad ah ayay ka qaateen sida la isaga difaaco nim-ankaas, hase ahaatee inta aan ka waayo aragsanahay, waxaan diyaar u yahay inaan qibrad dheeraad ah siiyo"ayuu yiri Gen.

 

Galaal oo ugu baaqay culumaa'udiinka Ahlusuna in maamulo heer degmo u magacaabaan d-eegaanada ay maamulaan.
 
Mar uu ka hadlay kulamo uu kula qaatay magaalada Guriceel odayaasha dhaqanka ayuu she-egay inuu kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa nabadgelyada, isla markaana meel looga soo wada jeesan lahaa, kooxaha firqooyinka iyo manaahijta ay wataan sida uu yiri.
 
Gen. Galaal ayaa sheegay inuu booqanayo deegaanada Ahlusuna ay ka taliso, isagoo bogaa-diyay ammaanka iyo kala dambeynta ka jirta gobolka Galgaduud oo sanadihii la soo dhaafay aanay ka jirin, waxaana uu ugu baaqay bulshada gobolka in ka shaqeeyaan midnimadooda iyo nabadgelyada.
 
Maalmihii u dambeeyay ayaa si aad ah waxaa loo hadal hayay booqasho aan horay loo sii s-haacin oo Gen. Maxamed Nuur Galaal ku tagay gobolka Galgaduud, kaasoo dadka qaar ku til-maameen mid Culumaa'udiinka Ahlusuna oo ka mid ah garabyada awooda ku leh siyaasada soomaaliya ku doonayo inuu khibrad xaga ciidamada uu u siiyo howl galka ay kula jiraan ko-oxaha Shabaabka iyo Xizbul Islaam.


 




 
 

Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo

    cisaleeynews@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Somali Links

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
                                       

                       

                                                                          Free counter and web stats        Copyright 2007 cisaleey.com,disegned by Abukar Mohamed Abukar (webmaster@cisaleey.com)