BBC Somali

VOA Somali

Radio Muqdisho

 

 

 

 

 

 

Muxaadaro

 

 

 

Heeso

 

 

Tahniyadaha

Sawiro

 

Gabayo

 

Tacsiyadaha

 

Cayaaraha

 

 

ore sponsortryk med Adidas Muslima.com is a leading Muslim matrimonial and marriage site bringing together thousands Muslim women and men from around the world. If you're looking for a site to give you more than

 

 

 

 

 

 

Boqolaal ciidamo oo dowladda soomaaliya ku xoojisay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

 

 

Muqdisho,cisaleey,05.Feb.2010 Dhaq dhaqaaqyo ciidan kuwii ugu xooganaa abid ayaa saaka ka jira
xeyndaabka dowladda soomaaliya kaga sugan tahay magaalada Muqdisho, iyadoo qeybaha ay dowladda gacanta ku heyso uu saaka mar qura uu noqday sa-xmad ciidan, taasoo dadka ay aad ula yaabeen.
 
Boqolaal ciidamo oo wata dareys milateri gaar ahaa-n kuwo dadka reer Muqdisho indhahooda ku cusub yihiin ayaa saaka iyagoo raxan raxan u socday ku sii

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

qul qulaya aagaga ay ciidamada dowladda difaaca kaga jiraan, waxaana ciidamada qaarkood lagu daabulayay baabuurta ciidamada lagu xambaaro.

 

Ciidamada ayaa efandari ahaan lagu xoojinayay aagaga waqooyiga Muqdisho, iyadoo aanay wehlin wax gaadiid dagaal ah, marka laga reebo saanadooda oo aheyd kuwo u dhameystir-naa.
 
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan oo gaaraya kumanaan ay yihiin kuwo dhowaan tababar ku soo qaatay dalka dibadiisa, hase ahaatee mudooyinkii u dambeeyay ku xareysnaa xerooyinka ciidamada, waxaase haatan muuqata in la soo fasaxay si ay howl gal u fuliyaan.
 
Saraakiisha ciidamada ayaa ka gaabsanaya in ay ka hadlaan dhaq dhaqaaqyada milateri iyo ciidamada faraha badan ee ku dumay qeybaha ay dowladda maamusho, waxaana dadka m-uqdisho ay hadal hayaan in todobaadyada soo socda ay dhici karaan dagaalo.
 
Mas'uuliyiinta dowladda ayaa maalmihii la soo dhaafay waday goodin ku aadan sidii duulaano saf ballaaran ugu qaadi lahaayeen kooxaha mucaaradka goobaha ay ku sugan yihiin, waxa-ana muuqata in diyaar garowgii dowladda ee ku aadan weerarkaas inuu haatan soo bidhaa-mayo.
 
Ciidamadan cusub ayaa la sheegayaa in ay aagaga kala wareegayaan maleeshiyaadka beel-aha ee ku jira qeybaha waqooyi, waxaana isku daygaas uu qeyb ka yahay sidii dowladda so-omaaliya magaalada uga saari laheyd ciidamada aan nidaamsaneyn ee maleeshiyaadka ah.



 
 

 

 

 

 

 

 

Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo

    cisaleeynews@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Somali Links

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
                                       

                       

                                                                          Free counter and web stats        Copyright 2007 cisaleey.com,disegned by Abukar Mohamed Abukar (webmaster@cisaleey.com)