|
ore
sponsortryk med Adidas Muslima.com is a leading Muslim
matrimonial and marriage site bringing together
thousands Muslim women and men from around the
world. If you're looking for a site to give you more than
Sarkaa sare oo ka tirsan Xizbul Islaam oo xalay Bam gacmeed
lagu weeraray.
Muqdisho,cisaleey,05.Feb.2010
Barre Cali Barre oo ah sarkaal ka tirsan ururka
Xizbul Islaam aya x-alay lagu weeraray magaalada Muqdisho, xilli
uu ku sii jeeday Hoygiisa oo ku yaal mid ka mid ah xaafad-aha
Yaaqshiid.
Weerarkan ayaa ahaa mid loo adeegsaday bam gac-meed oo Kooxo
hubeysan ay ku tuureen sarkaalkan oo horay u ahaa afhayeenkii
Mucaskarka Raaskamb-ooni ee hada ku biirtay Shabaab.


Barre Cali Barre oo warbaahinta Muqdisho war kooban ka siiyay
weerarkaas ayaa sheegay in aanay wax dhibaato ah ka soo gaarin, isagoo ku
eedeeyay in weerarkaas ka dambeeyeen k-ooxo uu ku sheegay cadaw Islaamka iyo
noloshiisa sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu ka gaabsaday inuu koox gaar ah farta ku fiiqo iyo sababaha keenay in
weerar ba-mbaano lagu qaado, ha yeeshee waxaa uu tilmaamay in ay wadaan
baaritaan ku aadan cidii ka dambeysay.
Magaalada Muqdisho ayaa saaka si weyn looga hadal hayaa weerarka sarkaalkaas ka
tirsan-aa Reer Kambooni, waxaase dad badan ay kula xiriirinayaan dhacdadaas mid
salka ku heysa arrinta ku biirista Raaskambooni ee Shabaab ku biireen, taasoo uu
ka soo horjeestay.
Barre Cali Barre ayaa sheegay in shaqsiyaad horay uga mid ahaa Raaskambooni ay
si iskood ugu biireen, isagoo sheegay in afar ruux aanay wada matalin
raaskambooni, isagoo taas ug-ala jeeday shaqsiyaadkii ka qeyb galay shirkii ka
dhacay magaalada Baydhabo.
Si kastaba ha ahaatee weerarkan uu ka bad baaday sarkaalkaas ayaa cirka sii
gelineysa sha-kiga u dhaxeeya Shabaab iyo Xizbul Islaam oo haatan u dhaxeeya
loolan aan qarsooneyn, w-axaana la ogeyn halka ay ku dambeyneyso weerarada
gaadmada ee dib mar kale u curtay.
Ha moogaanin
cisaleey.com saacad walbo
cisaleeynews@hotmail.com

|