|
|
ore
sponsortryk med Adidas Muslima.com is a leading Muslim
matrimonial and marriage site bringing together
thousands Muslim women and men from around the
world. If you're looking for a site to give you more than
(Jawaab)
Beesha Celi Cumar oo Nabada iyo dowladnimo taagee-rsan (Dr.Ali.A.HIrabe).
Muqdisho,cisaleey,04.Feb.2010waxaan
halkana ku cadeynaynaaa isla markaasna cambaaraynaynaa in
qormada lagu qoray websitka AllPuntland.Com.
Shaaciye.com.Xusuus.com.Dayniile.com ee 02/-2/2010 oo aan la
ogeeyn cida qortay qoraalkaa ,taa waxaa cadeeynaya qorma walbaa
waxaa lagu muuj-iyaa cida qortay iyo meesha eey ka soo baxday
balse qormadaani waxeey aheeyd mid been abuur ah taa-na waxaa
kaaga daliil ah qormadii la magac baxday : Beesha Celi Cumar oo
ku goodisay in ay kalsoonida kala laabaneyso Dowladda KMG.


1) Cida qortay
lama muujin.
2) Qoraalka waxaa uu muujinayaa sida qormada ku cad : ” Xubnihii kulankani ka
soo qeybg-alay ayaa waxay intaa raaciyeen in xiligii Ra\'iisul Wasaaraha
Dowladda ka ahaa Cali Maxam-ed Geeddi maamulka Gobolka Banaadirna uu hayey
Maxamed Dheere in Waqooyiga Muqdis-ho iyo guud ahaan Xamar gacanta Dowladda KMG
ay ku jirtay.” Beesha Celi Cumar aad aye-ey uga soo horjeeday Maquuste iyo
shaqaalahiisii u shaqeeyn jiray sida Cali Geedi iyo Maxed dheere ,akhristow sow
ma muuqato in qormadaani eey qoreen kuwa Maquuste iyo shaqaal-ihiisa ka midka
ahaa si eey u kiciyaan beesha nabada iyo wada noolaanshaha jecel ee Celi Cumar
in eey lugta ku dhiftaan dowlada tabarta daran ee xiligaan ka jirta Somalia.
3) Waxaa foolxuma in qormada eey ku jirtay : ” Sidoo kale shirkaasi ayaa la
iskula soo qaad-ay ka qadsanaanta beesha Celi Cumar ee Xubnaha Baarlamaanka iyo
qeybaha kala ee Dowl-adda ka kooban tahay, taasoo ay sheegeen in ay ugu wacan
tahay Madaxweyne Shariif oo ay tilmaameen in uu xaqiray beesha Celi Cumar”
Akhristow sow qormadaa kuma cada siyaasad xumida lagu been abuueranayo beesha,
runtii beesha waa beel aanan ku degdegin qaabka wax qeeybsiga dowlada ee ah 4,5
sida la ogyahay qaabkaa waxaa wax ku helay oo umada biliqeeystay qaasatan mida
Mudulood kuwii hubka umada ku gumaadayay waxaana laga qad-iyay beelihii
laf-dhabrka u ahaa Mudulood sida Moobleen.Wacdaan,Hilibi xagee joogaa Celi Cumar
iyada oo la ogyahay in kuwa jufa ahaan u xilgay eey biliqeeysteen Mudulood oo
dhan xaqii uu lahaa miyaadan maqal xaq maaha basle waa xal ????
Sidaasi darteed, Mulkiilayaasha website-yada AllPuntland.Com….Shaaciye.com
Xusuus.com Dayniile.comwaxaan ka dalbaynaynaa in eey raaligelin buuxda ka
bixiyaan meel ka dhaca eey kula kaceen beesha Celi Cumar waayo waxeey daabaceen
qoraal xaq darro ah oo fidno iyo been abuur ah oo aan la ogeeyn meesha cida
qortay iyo meesha uu ka soo baxay.
Sidoo kale waxaan qormadaan ku qeexaynaa in beesha Celi Cumar ay tagareesan
tahay jirit-aanka dowlada midnimada qaran ee taagta daran safka horena kaga
jirtaan horumarinta iyo adkaynta nabadgalyada caasimada dalka ee Muqdisho,Celi
Cumar waxuu ku nool yahay nab-ada wadajirka iyo wada noolaanshaha dhamaan umada
somalia marka eey nabada timaado cid dafiri kartaa ma jito,basle Celi Cumar
dagaal kuma raadinaayo in uu maroorsado talada dalka sida Maquuste iyo
shaqaalahiisii xabashida dalka ku soo hogaamiyay.Beesha waxaa ilaa iyo hada wax
ka noqday mudane Nuur Xassan Xussen Nur Cade waxa uu qabtay iyo sida uu Ethiopia
iyo Maquuste dalka kaga saaray waa la ogaa welina Somali waa eey u qoomam-eeysaa
Somalida waxeey u baahan tahay kumanaan Celi Cumar ah oo jecel nabada iyo
wa-danoolaansha basle weli kuwii talada laga eryay ayaa wada qormooyinka been
abuurka ah.
Dhinaca kale dadka qormadaan been abuurka ah qoray waxaan u sheegaynaa in haddii
aad neceb tihiin madax weyne Sheekh Shariif , waxba magaca beesha Celi Cumar ha
ka been s-heegina ee haddii aad rag tihiin soo bandhiga magacyadiina oo sax ah
iyo beesha aad kasoo jeedaan, wixii aad ka tabanaysaan si toos ah ugala
xisaabtama Madaxwayne Shariif e iyo maamulkiisa.
Ugu dambayntii waxaan dhammaan ummadda soomaaliyeed u rajeeynaynaa in Ilaah
dhibta labaatanka sano dul saaran ka qaado dadka fidtno wadeyaasha ahna inuu
Ilaah noogu bad-alo dad ummadda mideeya jidka nabadana iyo wadanoolaashaha u
horseeda.
Dr.Ali.A.HIrabe
Hirabe_a@hotmail.com
Ha moogaanin
cisaleey.com saacad walbo
cisaleeynews@hotmail.com

|
|