BBC Somali

VOA Somali

Radio Muqdisho

 

 

 

 

 

 

Muxaadaro

 

 

 

Heeso

 

 

Tahniyadaha

Sawiro

 

Gabayo

 

Tacsiyadaha

 

Cayaaraha

 

 

ore sponsortryk med Adidas Muslima.com is a leading Muslim matrimonial and marriage site bringing together thousands Muslim women and men from around the world. If you're looking for a site to give you more than

 

 

 

 

 

 

Saraakiil uu hogaaminayo Jen. Galaal oo shalay gelinkii dambe gaaray Guriceel

 

 

 

Muqdisho,cisaleey,04.Feb.2010 Jen. Maxamed N-uur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii Dowladdii ho-re ayaa shalay gelinkii ka degay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud isaga iyo Saraakiil uu horkac-ayay oo ay ku jiraan Ahlusuna Wal-jameeca.

 

Sida ay wararku sheegayaan magaalada Guriceel ayaa waxaa ku qul qulaya mas'uuliyiinta Ahlusuna ee ku sugan deegaanada Galgaduud, iyadoo xalay ilaa saaka magaalada laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

ciidan.

 

Gudoomiyaha degmada Guriceel ayaa warbaahinta u xaqiijiyay imaanshaha Jen. Galaal, isa-goo ka gaabsaday inuu ka hadlay ujeedada safarkiisa, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in Jenanku kulamo la qaadanayo Mas'uuliyiinta sare ee Ahlusuna.
 
Jen. Galaal ayaa hotelka uu ka degan yahay degmada Guriceel si weyn loo adkeeyay ammaa-nkiisa, iyadoo ciidamo fara badan lagu gadaamay,waxaana Hotelka lagu arkayay saraakiisha Ahlusuna iyo odayaal dhaqameed uu ka mid yahay Ugaas Xasan Ugaas Nuur.
 
Xooraansiga dadka ayaa ah in Jenan Galaal oo ah qabiir xaga ciidamada uu xilligan ka qeyb qaadanayo qiimeynta xaga ciidamada Ahlusuna iyo qorshayaasha sare loogu qaadayo qibrad-ooda xaga ciidamada, taasoo Jenanku aqoon durugsan uu u leeyahay.
 
Diyaarad qaas ah oo waday Jenanka ayaa shalay ka degatay Garoonka Diyaaradaha Guriceel, iyadoo ka soo kicitintay magaalada Nairobi oo uu maalmahan ku sugnaa, waxaana la is wey-diinayaa waxa uu Jeneraalku ku soo kordhinayo Ciidamada Ahlusuna oo horay casharo lama ilaabaan ah ugu dhigay Al-Shabaab.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo

    cisaleeynews@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Somali Links

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
                                       

                       

                                                                          Free counter and web stats        Copyright 2007 cisaleey.com,disegned by Abukar Mohamed Abukar (webmaster@cisaleey.com)