
Waxaa ku nool meeshan dad tiro yar waxaana ka
taliya ko-oxaaha
mucaaradka dowlada ee ku qaraabta diinta
weliba kooxda alshabaab waxaa lagu dilay intay
nimankaasi ka ta-linayeen
ilaa bilowgoo bishii 2aad ee sanadki la soo dhaaf-
aymarkii dagaaladu muqdisho dib uga bilowdeen ilaa maanta 145 qof oo shacaba oo nooc wa-lba leh sida Dhaakhaatiir , Macalimiin , culumo , Hogaankii dhaqanka,. Aqoonyahan ,Hooyooyin iyo Haween nooc walba leh Dhalinyaro iyo Waayeel.
Iyada oo dadka ku dhintaa aanu ahayn intaas keliyahadana waxaa keliya ay tiradan ka kooban dadka sida tooska ah loogu bireeyaywaxaa jooga dhalinyaro aan aqoon u lahayn aqoonta iyo xaqiiqda diinta hadana saacad walba ku xadgudbayaa .
waa masiibo qaran oo la mida dhulgariirka Haiti
ka dhacay ama duufaanada ka dhaca laatiin amerika ama fulkaanayaasha qarxa ama
daadkii sunaamiga dagaalada maanta ka soconaya magaalada muqdisho waayo waxaa
maalin walba ku naf waa dad gaadhayaa ilaa
500 magac alaale magacay doonaan ha sitaan ilaa
hadana ma jiro qof si dhab ah u qeexi kara ujeedada dhabta ah ee ka danbaysaa
dagaalada dhacayaa , waa fitno, waa nabsi waa kibir.
Waa halaag waa la yaab iyo siyaabo badan ayaa lagu macneeyaa balse cid si dhaba uga fa-aloon karaysaa ma jirto shacabku waxaa ku dhacay jahawareer meel ay dantooda tahay iyo qolo saxan midna ma garanayaan hadba sidii daad ayaa dhinac u dulaamayaan. Aduunyoo xaalkaa ba,a dagaaladii sokeeyaha waxay ahayd magaalada muqdisho meel aan wax is bedel ah ka muuqaan waxay lahayd suuqyo iyo meherado iyo nooc walba adeega bulshada waxay taasi ku tusaysaa ina hogaamiye kooxeedkii shalay wax aanu gaysan dalkana gaadhsiin iyo ciid-an beeleedyadii ay sababeen.
Dagaaladan indhala,aanta ah ee ka dhacayaa
magaalada muqdisho
iyo qaybo ka mida dalka b-artamaha iyo koonfurta
soomaaliya waxay
saamayn ku yeelatay arintani dhalintii ku dhalatay ama ku kacaantay
goobihi bilicda
samaa iyo biibitoyinkii baashaalka ay isugu iman jireen oo
hawd noqday iyo guryahoodii oo la dudunshay
lana dhahay
sidaan ayay sax ku yihiiin
waxaa ha-aba la yaab ah in nimanka cadaanka ah iyo
akaanibtu u sheegaan
dhalinyarada soomaaliyeed inaysan aduunyadu
faa,iido lahayn balse aysan u sheegin
in iyagu naceen oo aakhiro u socdaan waxay u
sheegaan inay iyagu haddii ay dhintaan
jihaadka dhaawacmayo oo dhaqaale iyo dhiiri-gelin
aysan helayn.
Isma qarxiyaan waxay qarxiyaan caruurta iyo
da,yarta soomaaliyeeed
iyagu janada ay u diran waxay sugayaan markay
dhintaan waxaa la yaableh in umada
soomaaliyeed aysan maanta og-oyn oo dareensanayn
masiirkoodaa iyo meesha uu ku danbayn doono
aayaahooda nololeed n-abadeed
iyo nolosha danbe ee ubadkoodaa . ilaahayoow waa
taadawaxaan ku soo afjarayaa hadalkayga.
muqdisho waydin aragtaa
marsadii dalkeeniyo
madashii dadkeeniyo
waa magaalo madaxdi
meel bahalo nooliyo
miranayso duurjoog
mukulaalo keliyuun
maxastiina lagu dilay
maatadiina lagu gubay
muslinkiina laga raray
nin muhaajir sheegtiyo
mid mucaarad sheegtiyo
midka dowladnimo wada
midna malaha naxariis
maanta aan ku raacnaa
mawlaan ka sugaynaa
mawlaan ka sugaynaa¨
ilaahbaa maciinoo
ilaahbaa muqiisoo
munsar iyo gargaare ah
maalikii aduunkiyo
alle magantii wada nahay





Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com
Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo
