Muqdisho,cisaleey,03.Feb.2010
Xoogag ka tirsan Koox-da Al-Shabaab, gaar ahaan ciidamada
loo yaqaano Xizba-da ayaa saaka soo buuxiyay suuqa bakaaraha, halkaasoo xalay uu
ka kacay dab qasaare hantiyadeed geystay oo ka dhashay kaalin shidaal aheyd.
Xoogagan ayaa durba ka bilaabay gudaha suuqa howl galo lagu bur burinayo
dhismayaasha sharci darada, iyadoo wa-dooyinka aadka u yar ee suuqa dhex mara,
isla markaana dadka ay dhismayaasha ganacsi ka sameysteen la arkayay
iyagoo si xoog ah loo fujinayo.
Waaliga wilaayada Al-Shabaab ee gobolka Banaadir Cali Maxamed
Xuseen ayaa sheegay in d-abka xalay ka dhashay suuqa uu ahaa mid ku faafay
cariiriga suuqa bakaaraha iyo wadooyinkii oo la xirtay.
Cali Maxamed Xuseen ayaa dadweynaha ku ganacsada suuqa u
sheegay in ay furaan wadooyi-nka si hadhow hadii uu dhib dhaco loogu gurmado,
waxaana uu sheegay in howl galka uu soc-onayo ilaa meesha looga saaro
dhismayaasha sharci darada ee suuqa laga dhistay.
Suuqa bakaaraha oo ah suuqa ganacsi ee ugu weyn ayaa ku soo laabtay marar badan
dab qa-saare hantiyadeed geysta, taasoo sababtoo lagu sheego in hal meel oo qura
ku wada yaalaan, shidaalkii iyo badeecadihii ganacsiga qeybahooda kala duwan.
Ha moogaanin cisaleey.com
saacad walbo
cisaleeynews@hotmail.com
ore
sponsortryk med Adidas Muslima.com is a leading Muslim matrimonial
and marriage site bringing together thousands Muslim women
and men from around the world. If you're looking for a site to give you more
than just personals for
Muslim webshop
kundeservice og få hjælp til
Al-Shabaab oo saaka soo buuxiy-ay suuqa
bakaaraha howl galo bur burina ka wada dhismayaasha sh-arci darada.