
Kulanka labada hogaamiye oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiir-ada Arrimaha dibada Soomaaliya iyo Itoobiya Cali Jaamac Jengeli iyo Seyoum Mesfin ayaa diirada lagu saaray xaalad-
ihii u dambeeyay ee siyaasada iyo ammaanka.
R/wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo markii uu idlaaday
kulanka warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu kula taliyay Madaxweynaha
Soomaaliya inuu qaado tallaabo milateri oo ka dhan ah kooxaha mucaaradka.
Meles ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in looga fadhiyo inuu maquuniyo
mucaarad-ka ka soo horjeeda, si dowladda isugu fidiso Caasimada Soomaaliya iyo
gobolada dalka oo ay ku xoogan yihiin.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in dowladdiisa ay haatan diyaar garow ugu jirto
sidii ay tal-laabo uga qaadi laheyd kooxaha ka soo horjeeda waxaana uu ku faanay
in ay u dhisan yihiin ci-idamada qalabka sida, dhowaana ay howl geli doonaan.
Kulanka Labada Mas'uul oo ah kii shanaad oo ay wada qaataan tan iyo markii
Madaxweyne Sh-ariif loo doortay xilka Madaxtinimada Soomaaliya.
Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo
