
Dabkan oo socday afar saacadood oo xiriir ah ayaa waxaa markii dambe lagu guuleystay in la damiyo xalay waqti da-mbe kadib dadaal ay sameeyeen ganacsato iyo Kooxaha
mucaaradka ee gacanta ku haya Suuqa Baakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Boqolaal dadweyne ayaa xalay soo buux dhaafiyey goobta dabka uu qabsaday kuwaasi oo ka k-ala yimid xaafadaha ku dhow dhow Suuqa Baakaraha hasa ahaatee ganacsatada leh xarumaha Shidaalka ee gubtay iyo goobaha kale ayaa qaarkood u saamixin in ay yimaadaan goobahooda gubanaya sababo la xiriira kala xirnaan wadooyinka magaalada Muqdisho xiliyada hebeenkii ah.
Qasaaraha dabka xalay ee Suuqa Bakaaraha oo ahaa mid xoog leh oo laga arkayey Muqdisho iyo daafaheeda ayaa waxaa la sheegay inuu baabi'iyey hanti farbada oo aanan cadadeeda wali la shaacin oo isku jira lacago kaash ah ,fuustooyin Shidaal iyo sidoo kale dhismayaal ganacsi oo ku yaalay goobta uu dabka ka kacay sidoo kale dabka ayaa waxa uu dhaawacyo fudud gaarsiiyey dadkii ku howlanaa damintiisa.
Warar kale duwan ayaa ka soo baxay wax yaabaha dhaliyay dabka, qaar ka mid ah dadkii ku s-ugnaa halkaasi ayaa sheegaya in uu dabka ka dhashay Baasiin ku daatay agagaarka xarun shi-daal kadibna uu soo raacay dabka wadada yaalay oo aan la ogeyn inuu ahaa Sigaar daaran oo la tuuray iyo dab kale oo meesha ka shidnaa, warar kale iyana sheegaya in dabka uu ka dhas-hay qarax ahaa Bam meesha taalay.
Dabka ayaa waxaa ka hadlay dhinacyada siyadaasada iska soo horjeeda , Waaliga wilaayada Al-Shabaab Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay inay gacan buuxda ka geysteen daminta dab-kaas, sidoo kale gudoomiyaha Arimha Bushada gobolka Banaadir ee dowladda soomaaliya oo isna ka hadlay dabka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gargaaraan dadk dab ku hanta beelay.
Ma ahan markii ugu horeysay ee dab ka kaco Suuqa Bakaaraha
hase ahaatee dabkii xalay ayaa la dhihi karaa waa uu ka qasaaro yaraa dabkii
horay uga kici jiray Suuqa Bakaaraha.




Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo
