Mid ka mid ah madax
dhaqameedyada Som-aliland oo ugu baaqay Madaxweyne Shariif
inuu is casilo.
Muqdisho,cisaleey,29.July.2010:Boqor
Cusmaan Aw Maxamuud Buur Madow oo ka mid ah madax
dhaqameedyada Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay
dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka socda Koofurta
Soomaaliya, isagoo si kulul u weeraray Dowladda Madaxweyne
Shariif.
Boqor Buur Madow oo wareysi gaar ah
siinayay Idaacada Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa
waxaa uu ayaan daro ku tilmaamay in dhibaatada ka socota
Koofurta Soomaaliya ee 20-jirsatay.
"Waa ayaan daro in dhibaatada
labaatanka sano ee ka taagan Koofurta Soomaaliya, waliba
Magaalada Muqdisho ay had iyo jeer ka dhacaan dagaalo iyo
duqeyn oo lagu laayo dadka marasta ah"ayuu yiri Boqor
Cusmaan Buur Madow.
Boqorka ayaa Madaxweyne Shariif ugu
baaqay inuu is casilo, isagoo sheegay in halkii shalay
Madaxwey-nihii hore ee C/llaahi Yuusuf kula dagaalamayay in
Ciidamada Itoobiya ay dadka xasuuqaan, uu maanta raali ka
yahay in Uganda iyo Brundi ay shacabka xasuuqaan sida uu
hadalka u dhigay.
"Aniga waxaa qabaa meesha Caalamka
hada uu doonayo in Shabaab ku tir tirraan in marka hore
meesha laga saaro Shariif iyo Dowladdiisa"ayuu yiri Boqor
Cusmaan Buur Madow.
Mar uu ka hadlay Kooxo diimeedyada
Soomaaliya ayuu sheegay inuusan taageersaneyn, isla markaana
uu raali ka aheyn gaaleysiinta dadka, isagoo xusay in diinta
ay tahay mid Raxmad ah oo aanay aheyn in dadka lagu
san-duleeyo.
"Aniga ma qabo in dadka surka laga
gooyo, in la dhaho Diinta qasab baa kugu xukumeynaa, Diinta
waa raxmad"ayuu yiri Boqor Buur Madow.
Hadalkan ka soo yeeray Boqor Cusmaan
ayaa ku soo aadaya, xilli magaalada Muqdisho ay u
joogtoobeen dagaalada iyo duqeymaha aan dhamaadka laheyn,
taasoo maalin walba dad fara badan oo rayid ah ay ku
le'daan.
Xafiiska
Muqdisho ee cisaleey.com iyo wararkii ugu danbeeyay
cisaleeynews@hotmail.com
|