Magaalada Muqdisho oo saaka ku
waabariis-atay jawi xasilooni.
Muqdisho,cisaleey,29.July.2010:Magaalada
Muqdisho ayaa saaka ku waabariisatay xasilooni, kadib markii
maalmihii la soo dhaafay ay wehel u noqotay dagaalo iyo
weeraro ka dhacayay fariimaha ciidamada dowladda iyo kuwa
Amisom ku leeyihiin Caasimada.
Dadka reer Muqdisho ayaa saaka hadal
haya degenaanta xalay ka jirta Caasimada, waxaana dadka
maalmihii la soo dhaafay ay u barteen inay hurdada kaga
salalaan hugunka madaafiicda culus oo habeen iyo maalin aan
nasasho laheyn.
Ciidamada Amisom ayaa maalmihii u
dambeeyay bilaabay madaafiic guux wata inay ku garaacaan
maga-alada inteeda kale, taasoo dadka ku dhaqan xeyndaabka
dowladda ay kala garan waayeen in agtooda laga ridayo ama uu
ku soo dhacayo.
Inkastoo xaalada xasilooni ee saaka
ku waabariisatay magaalada Muqdisho la dhihi karo waa Kmg,
had-ana waxaa mar walba suura gal ah in dagaalada ay
dhacaan, maadaama ay is hor fadhiyaan dhinacyada iska soo
horjeeda.
Magaalada ayaa waxaa ka barakacay
boqolaal kun oo qoys oo guryahooda faarujiyay, waxaana
dagaala-da iyo duqeymaha ku le'day dad fara badan, halka
dhaawacyada ay la yaalaan Isbitaalada magaalada Muqdisho.
Xafiiska
Muqdisho ee cisaleey.com iyo wararkii ugu danbeeyay
cisaleeynews@hotmail.com
|