Inta badan Xildhibaanada
Baarlamaanka oo si dhumaaleysi uga baxay Muqdisho.
Muqdisho,cisaleey,29.July.2010:Iyadoo
labadii maalmood ee la soo dhaafay kulamada Baarlamaanka uu
u baaqanayay kooram la'aan ayaa warar soo baxaya ay
sheegayaan in inta badan Xildhibaanadii Baarlamaanka ay ka
kala dhuunteen magaalada Muqdisho.
Labadii maalmood ee u dambeysay ayaa
in ku dhow 50-xildhibaano si qarsoodi ah ugu ambabaxay
magaalada Nairobi, kadib markii xildhibaanada qaar ka
deyriyeen Xaalada Muqdisho, isla markaana
kooxaha mucaaradka wax ka yar 1-Km u
soo jirsaday Madaxtooyada.
Diyaaradaha gaarka loo leeyahay ayaa
waxaa lagu arkay iyagoo saaran Xildhibaano iyo saraakiisha
ciidamada dowladda, kuwaasoo ka baxsanayay xaalada ay ku
sugan tahay Caasimada.
Gudoonka Baarlamaanka ayaa ku
tilmaamay xilkas xumo in xildhibaanada ay ka tagaan
Caasimada, iyagoo aan ku soo wargelinin, waxaana baaqashada
kulamadii baarlamaanka sabab uga dhigeen xildhibaanada
dhuuntay.
Xildhibaanada baarlamaanka oo
Muqdisho ku heysay xaalado cabsi iyo wal wal ayaa waxay
ahaayene kuwo Hotelada ku jira, waxaana mararka qaar dhacda
bambaanooyin lagu weeraro hotelada ay degan yihiin.
Sanadkii hore ayay aheyd markii
dagaalada ka curteen waqooyiga Muqdisho ay ka carareen
Caasimada boqolaal xildhibaano, kuwaasoo saldhigtay
magaalada Nairobi.
Xafiiska
Muqdisho ee cisaleey.com iyo wararkii ugu danbeeyay
cisaleeynews@hotmail.com
|