Muqdisho,cisaleey,29.Jan.2010 Marka xigta si loo helo nabad waarta dalka iyo dad soomaaliyeed, waxan u arkaa in aan meel aan nabaddu jirin had iyo jeer laga doono, nabadda soomaaliya waxay ku imaanaysaa in wixii nabad la'aanta keenay asalkoodii la abbaaro ee aan faraca la isku daalin waayo, haddii aad geedka laamaha ka gurt way soo baxayaan, haddiise aad xididdada siibto way u dhammaatay geedkaas, sidaas dartted, dhibaatada soomaaliya haysata, oo aanan xaqiiqdii anigu weli maqal cid ka hadashay, qodobkaasina waa xaqiraadda iyo dullaynta hooyo macaan lugu hayo, waxaana qabiilkan lugu wareeray keenay markii hooyo iyo ehelkeedii cadow laga dhigtay aabbe iyo ehelkiisana ilaah laga dhigtay abtiriskiisa ilaa iyo nabi aadam, waayo hooyadu waa NETWORK, dadka dhan walaalaynaysa tusaale kooban haddaan sii bixiyo anigu waxan ka soo jeedaa 2 ruux oo kala ahaa aabbe Cayr Madarkicis iyo Hooyo Gidirey Karanle, laakiin aabbe ehelkiisa keliya ayaan qiimaynaa oo aan dhahnaa waa tolkey H/Gidir (Sacad, Saleebaan, ....), kuwa kale ee la siman ee xagga hooyo ka soo jeeda oo iyaga ka sii xaq badanna shisheeyaan ka dhignaa waa (Mursal Karanle, ....  oo hooyo Gidirey Karanle la dhashay), bal yar akhri maansadeyda QABIIL WAA RAGAAD, oo ay ka mid ahayd ereyadeeda:

Soomaalidaas raaracdee              kala riddoobaysa

iyagays rajeeyoo facood               isu rigeeyeene

midka raaskambooniya midkaa    reedda kale jooga

rugta ay ka timid hooyadood         raaska cidaheeda

abtigood u roon habaryaroo          ruuxa carafsayda

dhab haddaad u sii raadiseed        jiridda sii raacdo

sida shabaqa caaradu rartee          raadarka ad mooddo  

riir qura inan wada nahaad            riban lahaydeene 

haddii aan ku rayneen sidaa          raalli ku ahaanno 

riixaanya waxan heli lahayn          raaxo aakhiro e

balse raacigaan qabaliyee             maanka ka rajoobay

abti baad ruqdaa beerki ood          dhiiggi ruxataaye

habaryaro adoo ruugi oo                una ribaynaaya

ricirahana aad hooyadaa                ruugga uga joogto

sidee baad rilladi eebbe iyo           roob ku heli heedhe ?

 
Qodobkaas Hooyada la dulleeyeyna wuxuu sii dhalay qodob kale oo haddii isaga la saxo uu isna dhib la'aan iska saxmayo, waa cudurkan na dullaystay ee AIDHIS nooga daran ee
Hayb sooca lugu xaqirayo dad nala dhashay oo aan xaqirnayne nooba horreeya aaduun iyo aakhiro.
 
 Qodobkaas isaga ahna waxan mahad uga celinayaa ilaaha boqorka ahi raalli ha ka noqdee Prof, Waddani, Mu'min, Abwaan: Max'ed Warsame 'Hadraawi' uu uga hadlay maansada DHUL GARIIR, ee uu weliba u billaabay halkii uu lahaa:
XAAJADA HALKAAS BAAN DHIGOO DHAABAD BAW DIHINE, IN LA SII DHAQAAJEY RABTAA DHAYGAG BADANLEEYE,.... DHAXALKEEDA NIMANKII LAHAA WAY DHEBAANDHEBIYE, IYAGAA DHARAARABA HALKAAN DHAAFAY SII ORANE.
 
Sidaas darteed, halkaas qodob ee fudaydka haddii loo dhaqaaqo dhawr bilood gudahood ayey soomaalidu ku midoobaysaa, isku jeclaanaysaa, cadow iyo danaystena uunan soo dhex geli doonin insha allaah, .... laakiin waxan leeyahay car ha loo dhaqaaqo oo keliya yaan lacag la bixinoo qaaraan la aruurine, hooyo ha la qiimeeyo, oo yaan abaal kale loo geline keliya 33.5% oo xaqeeda ka mida ha loo qiro, illeen aababy 3 ugu laban laabantaaye.
 
 ALLOW NUGU TOOSI.
 
Max'ed Cabdi Adam
 
 
ore sponsortryk med Adidas Muslima.com is a leading Muslim matrimonial and marriage site bringing together thousands Muslim women and men from around the world. If you're looking for a site to give you more than just personals for Muslim webshop kundeservice og få hjælp til
 
 
 

 

 

   XALKII SOOMAALIYA WAA KAN !(QABIIL WAA RAGAAD)