Ururada Bulshada Rayidka
Gobolka Banaadir oo soo dhoweeyay qodobadii ka soo baxay
shir madaxeedkii Afrika.
Muqdisho,cisaleey,28.July.2010:Ururada
Bulshada rayidka ee Gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyay
go'aankoo kasoo baxay shir madaxeedkii lagu soo gaba
gabeeyay Magaalada Kampala ee caasimadda wadanka Uganda.
Guddoomiyaha Bulshada rayidka Gobolka
Banaadir Muxudiin Xasan Afrax oo kulan ay yeesheen ururkiisa
kadib la hadlay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in ay isku
afgarteen in la taageero go'aankii kasoo baxay shirkii
Kampala lagu soo gaba gabeeyay.
"Waan taageereynaa go'aannada kala
duwan ee kasoo baxay shirkii kampala, waxaan ku faraxsan
nahay in ciidamo kale lakeeno Soomaaliya si ay wax uga
qabtaan Ammaanka, waxaana uga mahad celineynaa madaxweynaha
Uganda sida wanaagsan ee uu ula shaqeynayo Soomaalida" ayuu
yiri Muxudiin Xasan Afrax.
Waxa uu intaasi kudaray in Museveni ay
uga mahadcelinayaan codsiga ah in Ciidamada Afrika laga
dhigo kuwa Nabad dhaliyeyaal ah si Ammaanka wadanka
Soomaaliya si dhab ah wax looga qabto.
Hadalka Bulshada rayidka ayaa imaanaya
xilli qaar kamid ah odayaasha iyo ururada taageersan kooxaha
alqaacida xiriirka laleh ay sheegayaan in aanu waxba soo
kordhin doonin haddii ciidamo kale oo shisheeye lakeeno
dalka.
Xafiiska
Muqdisho ee cisaleey.com iyo wararkii ugu danbeeyay
cisaleeynews@hotmail.com
|