Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo laga
soo sheegayo duleedka magaalada B/weyn.
Muqdisho,cisaleey,28.July.2010:Abaabul
dagaal ayaa laga soo sheegayaa in uu kasocdo qeybo kamid a
Gobolka Hiiraan kadib markii Ciidamada dowladda iyo Kooxda
alshabaab oo isku gaad gaadaya Gobolkaasi ay diyaar garow
soo kala galeen.
Wararka Hiiraan laga helayo ayaa
sheegaya in ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda KMG
kana soo anbabaxay dhulka Soomaalida ee Ethiopia gaar ahaan
deegaanada Feer Feer iyo Mustaxil ay soo buuxdhaafiyeen
deegaanka Kalabeyr ee duleedka Magaalada Baladweyne
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku
darayaan in markii ciidamadaasi ay soo gaareen deegaanka
Kalabeyr-ka ee gobolka Hiraan ay halkaasi ka bilaabeen
baaritaano iyo dhaq dhaqaaqyo militari oo ay ka sameyna-yaan
halkaasi
Al-shabaab oo iyagu gacanta kuhaya
Baladweyne ayaa waxa ay maleeshiyaadkooda u diyaar gareeyeen
halka laga soo galo Baladweyne iyaga oo iminka doonaya in ay
kahortagaan weerar uga yimaadan dhanka Ciiamada Dowladda oo
lasheegay in abaabul xoogan ay soo galeen.
Shacabka kudhaqan Baladweyne ayaa cabsi
xoogan muujinaya, waxaana ay sheegayaan in haddii dagaal uu
kabilowdo gobolka aanu jirin meel kale oo ay u cararaan
maadaama buundadii lagu baxsan jiray ay dhowaan burburtay.
Xafiiska
Muqdisho ee cisaleey.com iyo wararkii ugu danbeeyay
cisaleeynews@hotmail.com
|