Maxamed Saciid Atam oo ku
baaqay in gacan laga siiyo la dagaalanka Puntland.
Muqdisho,cisaleey,28.July.2010:Maxamed
Saciid Atam oo ah guddoomiyaha koox islaamiyiin ah oo
dhowaan ka abuurmay deegaannada Puntland ayaa sheegay
ujeedkiisa dhabta ah isaga oo xusay in uu doonayo Shareecada
Islaamka in uu ka hirgeliyo deegaannada Puntland halka la
isku yiraahdo.
Atam waxa uu sheegay in uu Boosaaso wax
ku bartay laakiin uu mar waliba ku cel celin jiray
shareecada Islaamka in lagu dhaqmo, waxaana arrinkaasi uu
sheegay in ay socon weysay isaguna camalkani jihaadka uu
muddo 5sano ku dhex jiray iminkana ay ka go'an tahay in uu
ka dhaqan geliyo Puntland Shareecada Islaamka.
Waxa uu ka codsaday Ganacsatada,
Culumaa'udiinka iyo shacabka qeybahooda kala duwan in ay
gacan ka siiyaan sidii ay u dhaqan gelin lahaayeen
shareecada Islaamka oo Gobolka Bari oo dhan looga dhaqmi
lahaa shareecada Islaamka.
Mar lagu dhex wareystay shabakadda lagu
kulmo ee paltalk ayaa waxa uu kayiri Atam in uu kamid yahay
Alshabaab oo aanu jirin cid uu kala dhuumanayo magacaasi
isla markaasina saxwa islaami ah uu ka dhalinayo Gobolka
Bari.
Dagaaladii dhowaan ka dhacay qeybo
kamid ah Puntland ayuu sheegay in uu guulo ka gaaray oo ay
ciidamada Puntland uga qabsadeen halkaasi gawaari dagaal iyo
hub badan isaga oo xusay in hawsha ay ka bilaabeen Puntland
ay sii wadi doonaan.
Xafiiska
Muqdisho ee cisaleey.com iyo wararkii ugu danbeeyay
cisaleeynews@hotmail.com
|