|
Dhaawacyo fara badan oo
saacadihii u damb-eeyay la dhigay Isbitaalada Muqdisho.
Muqdisho,cisaleey,28.July.2010:In
ka badan 20-ruux oo ku dhaawacmay dagaalo iyo duqeymaha ka
dhacaya magaalada Muqdisho ayaa saacadihii la soo dhaafay la
gaarsiiyay Isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana qaar ka
mid ah xaaladooda la sheegay inay halis tahay.
Gaadiidka gurmadka deg dega ee Life
Line Afrika ayaa shalay casir liiqii waxay ka daabushay
gudaha iyo nawaaxiga Suuqa bakaaraha dhaawacyada 19-ruux oo
ku dhaawacmay duqeyn loo geystay suuqa.
Cali Muuse Shiikh oo ah madaxa
gaadiidka gurmadka deg dega ayaa u sheegay warbaahinta
Muqdisho in gaadiidkooda uu shalay keliyay geeyay
Isbitaalada Muqdisho dhaawacyo gaaraya sodomeeyo ruux oo
gelinkii hore iyo gelinkii dambe ku dhaawacmay dagaalada.
Isbitaalada Madiina, Keysaney iyo
Dayniile oo ah saddex isbitaal ee ay gaarsiiyaan dhaawacyada
ayaa
xilligan waxay yihiin kuwo la ciir
ciiraya bukaanada ku jira, waxaana taas u sii dheer in
maalin walba ay qabtaan kiisas dhaawacyo ah oo laga keeno
degmooyinka Gobolka banaadir.
Isbitaalka Madiina ayaa hada waxaa
uu la buuxsamay qolalkii bukaanada loogu tala galay
dhaawacyo fara badan, waxaana taasi ay keentay in barxadaha
Isbitaalka iyo goobaha banaan laga taago teendhooyin
dhaawacyada lagu dabiibo.
Adeegyada caafimaad ee ay helaan
isbitaalada ayaa ah kuwo iska gaabis ah, inkastoo Hey'adaha
Laanqeyrta Cas iyo MSF ay gaarsiiyaan isbitaaladu daawooyin,
ha yeeshee daawooyinkaas ayaan aheyn kuwo ku filan.
Saraakiisha caafimaadka ee ka howl
gala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Isbitaalada mararka
qaar daawooyinka ay ku dabiibaan dhaawacyada laga qaado
Farmashiyeyaasha gaarka loo leeyahay, waxaana ehelada qofka
dhaawacma lagu wargeliyaa inay soo iibsadaan daawooyin.
Xaaladaha cakiran ee ka taagan
magaalada Muqdisho ayaa waxay noqdeen kuwo si guud u
saameeyay adeegyadii aas aasiga ee bulshada, waxaana
Isbitaalada qaar xilliyada habeenkii aysan laheyn koronto
marka la gaaro xilliyada dambe, xilligaasoo korontada ay loo
damiyo shidaal la'aan.
Xafiiska
Muqdisho ee cisaleey.com iyo wararkii ugu danbeeyay
cisaleeynews@hotmail.com
|