Muqdisho,cisaleey,27.July.2010:Axmed
Maxamed Siilaanyo ayaa maanta si rasmi waxaa xilka
Madaxtinimada Somaliland loogu dhaariyay, kadib markii uu
muddo bil ka hor uu ku guuleystay doorashadii Madaxtinimada
ay ku tartamayeen saddex xisbi ee ka jirta Somaliland.
Xaflad ballaaran oo lagu dhaarinayay
Siilaanyo ayna ka soo qeyb galeen Madaxweynihii hore Daahir
Rayaale, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe,
mas'uuliyiin ka socday Jabuuti Kenya, Itoobiya iyo
diblomaasiyiin ayaa waxaa halkaas khudbado ka jeediyay
Madaxweynihii hore Dahir Rayaale oo si rasmi ugu wareejiyay
xilka Madaxtinimada.
Daahir Rayaale oo hadal ka jeediyay
goobta ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub Axmed
Siilaanyo, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu la
shaqeeyo.
Madaxweynaha cusub Axmed Siilaanyo
ayaa lagu hor dhaariyay marti sharaftii ka soo qeyb gashay
munaasabada, iyadoo hadal uu ka jeediyay goobta uu sheegayo
inuu cadaalad ku dhaqayo dadka iyo bulshada Somaliland.
Xaflada dhaarinta kadib ayaa waxaa
Madaxweynihii hore Somaliland Daahir Rayaale Kaahin waxaa uu
qasriga Madaxtooyada uu kaga soo baxay Gaari caadi ah oo aan
aheyn kuwa Madaxtooyada, isagoo u dhaadhacay Gurigii uu ka
degenaa magaalada Hargeysa.
Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xilka
madaxtinimada Puntland sii heynata mudada shanta sano ee soo
socoto, iyadoo lagu wado in maalmaha dhow uu magacaabo
Golaha Wasiirada Somaliland.
Xafiiska
Muqdisho ee cisaleey.com iyo wararkii ugu danbeeyay