
Isagoo xirnaa dareyska Tuutaha, isla markaana ay dhinac
fadhiyeen Ciidamo gaar u ahaa ayaa shir jaraa'id uu suxufiyiinta ugu qabtay
magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu si kulul u weerar-ay qaabka ay u dhacday
midooobiada labada dhinac oo uu ku tilmaamay mid Bililaqo ah oo ay sameyeeen
Shabaab.
"Anaga iyo walaalaha Shabaab waxaan ku balanay inaan la kala qaadan ciidan,
laakiin waxaa inoo muuqata in balantii ay jebiyeen oo ay bililaqo sameeyeen"ayuu
mar kale si kulul u yiri Sh-ikh Xasan daahir Aweys.
Shiikh Xasan daahir oo u muuqday nin aad u dhibsaday hab dhaqanada Shabaab ayaa
sidoo kale sheegay nidaamka ay raggaas ugu biireen Al-Shabaab uu ahaa mid
qalafsan mid u degs-anaa Xizbiga.
Waxaa uu soo qaatay in ay jiri karaan dad aanay ku qanacsaneyn hadba xilalka ay
hayeen, sid-aas darteed uu yahay mid noqon kara Mansab gaar ah oo qofka
hiigsado, taasoo si gaar ah ugala jeeday Kuxigeenkiisa Shiikh Xasan Turki,
waxaana si cad u tilmaamay in qofka ay dhici karto in aanu ku qanacsanaan karin
hadba xilka uu haayo.
Jawaabta Shiikh Xasan Daahir oo ahaa mid aad loo dhowrayay ayaa noqoneysa mid si
cad da-boolka uga qaaday mowqifkiisa, iyadoo dad badan ay aaminsanaayeen in ku
biiridii shaqsiyaad ka tirsan Ururkiisa ay ku biireen Shabaab in ay tahay mid u
gogol xaari karta inuu isna raaco S-habaab, taasoo sida muuqata uu aad uga soo
horjeestay go'aankaas mid la mid ah.




Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo
