
18-kan dhalinyaro oo maanta la keenay Maxkamada gobol-ka Banaadir ayaa waxaa ku soo xoomay waalidiintooda oo hor tubnaa banaanka hore ee Maxkamada, kuwaasoo ku d-hawaaqayay erayo ka dhan ah Saraakiisha Booliska iyo m-
Aamino Cali wehliya oo ah Hooyo dhashay afar dhalinyaro oo ka
mid ah 18-ka dhalinyaro ee u xiran dowladda ayaa ugu baaqday dowladda in loo soo
daayo, waxaana ay sheegtay in caruur-teeda aanay wax dambi ah laheyn.
"Caruurteyda iyagoo hurdaya ayaa gurigeyga lagala baxay 11-bishii bishii hore,
CID-da ayaa la geeyay 23-cisho ayay xiran yihiin, waxaan codsanaynaa in naloo
sii daayo"ayay tiri Haweeney-daas oo warbaahinta kula hadashay banaanka hore
xarunta gobolka Banaadir.
Sidoo kale Maxamed Shaaciye oo ah aabe dhalay wiil u xiran dowladda ayaa nasiib
daro ku til-maamay in caruurtooda lala xiriiriyo in ay ka tirsan yihiin kooxaha
mucaaradka, isagoo sheegay in aanay sharci aheyn Maxkamada la soo taagayo.
"Maxkamad milateri ayaa la leeyahay caruurtan waa la saarayaa, sidee isu
waafaqeysaa, dag-aal miyaa lagu soo qabtay mise waa ciidan"ayuu si kulul u yiri
Maxamed Shaaciye oo ugu baa-qay madaxda dowladda in ay soo fara geliyaan
dhibaatooyinka lagu hayo.
18-ka dhalinyaro ayaa Gaari Mini Bus ah oo lagu waday waxaa ilaalo ka hayay
Gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ciidamada dowladda, kuwaasoo markii maxkamada la
saaray dib loogu celiyay Xabsiga dhexe.
Warar qaar ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan dowladda ay weydiisteen
waalidiinta dhalay caruurtaas in ay lacago bixiyaan si loo sii daayo, taasoo
horay ay ugu caan aheyd dowladdii uu madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf oo dadka ay
howl galada ku qab qabato ay lacago fara badan ay ku sii deyn jirtay.
Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo
