Muqdisho,cisaleey,02.Feb.2010Qaar ka mid ah saraak-iishii caanka aheyd ee Mucaskarkii Raaskambooni ayaa iska diiday in ay ku biireen Kooxda Al-Shabaab, iyagoo si cad u sheegay in ay ka mid yihiin Xizbul Islaam, ayna wali yihiin Garab Hubeysan oo jira.

Afhayeenkii hore Mucaskarka Raaskambooni Barre Cali Ba-rre oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku gacan seyray heshiiskii shalay lagaga dhawaaqay magaalada Baydhabo, kaasoo xubno ka tirsan Raaskambo-

oni oo horay aad ula dhacsanaa dagaalkii Shabaab ku qaaday Axmed Madoobe uu ahaa mid aan waxba ka jirin.

 

Barre Cali Barre ayaa sheegay in wali dhankooda ka mid yihiin Xizbul Islaam, isagoo muujiyay qorshaha ka dambeeyay shaqsiyaadka Baydhabo ka sheegay in ay la midoobeen Shabaabka uu yahay mid lagu duminayo Xizbigooda.

“Hadii Xizbul Islaam iyo Shabaab ay midoobayaan oo diin iyo caqiido iyo Manhaj ay ku midoob-ayaan oo dowlad ay dhisinayaan anagu waan soo dhoweynaynaa, balse ma’ ahan in 4 qof int-eey meel ka hadlaan ay dhahaan waa ay midoobeen”ayuu si kulul u yiri Barre Cali Barre,

Waxaa uu sheegay in saraakiisha Baydhabo kaga dhawaaqday ay ahaayeen kuwo horay ugu tirsanaa Mucaskarkooda Raaskambooni, waxaana uu meesha ka saaray in Shiikh Xasan Turki uu wax ka og yahay iyo in kale.

"Anaga qadiyadaas waa iska fogeynay, hadii Shiikh Xasan la qabana isaga ayay u gaartay, laa-kiin waa shaqsi hadii uu ku dhawaaqo inuu ku biiray Shabaab, balse arrintu ma ahan in Raask-ambooni ay shabaab la wada midoobeen"ayuu yiri Barre Cali Barre.

Waxaa uu sheegay in arrintaas laga lahaa dan gaar ah, isla markaana ay shaqsiyaad kooban ay damacsanayeen in ay wax ku bur buriyaan, hase ahaatee ragga Baydhabo warkaas kaga d-hawaaqay ayuu cadeeyay in ay horay Shabaab ugu biireen.

Arrintan ayaa ah mid daqiiqadba daqiiqada ka dambeysa ay cirka isku sii shareereyso, waxaa-na loolanka Shabaab iyo Xizbiga uu haatan u muuqanayaa mid sii xoogeysanaya, marka loo eego kala fur furida ay Shabaab ku bilowday Xizbiga, tiiyo horay ay dagaal qorsheysan ula ga-shay qaar ka mid ah saraakiishooda.

 

 


 

 

 

 

Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo

    cisaleeynews@hotmail.com

 

 

 

 
ore sponsortryk med Adidas Muslima.com is a leading Muslim matrimonial and marriage site bringing together thousands Muslim women and men from around the world. If you're looking for a site to give you more than just personals for Muslim webshop kundeservice og få hjælp til
 
 
Qaar ka mid ah Saraakiisha Raas-kambooni oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay ku biireen Sh-abaabka.