
Bayaan laga soo saaray shirka IGAD ayaa looga dalbaday Beesha
Caalamka in ay si deg deg ah u bixiso dhaqaalihii shirkii Brussles ay ugu
yaboohday Dowladda Soomaaliya, si ay howsheeda ugu fushato.
Sidoo kale Urur Goboleedka IGAD ayaa bogaadiyay Culumaa'udiinka Ahlu Sunah
Waljamaacah ee dagaalada kula jira dhinacyada haatan ka soo horjeeda Dowladda
Soomaaliya ee dagaalka.
IGAD ayaa ku boorisay Dowladda KMG in ay wada hadlaan Ahlu Sunah oo hada ka mid
ah aw-oodaha siyaasadeed ee dalka ka jira, waxaana ay labada dhinacba ugu
baaqeen in ay xoojiy-aan xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya.
Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa horaantii sanadkii la soo dhaafay ku soo biiray
saaxada siyaas-ada, iyagoo qaatay Hubka, waxaana dagaalo kula galeen Gobolada
Dhexe Xarakada Shabaab iyo Xisbul Islaam, iyadoo haatan ka talisa deegaano
badan.
Waa markii u horeysay ee Shirka IGAD looga hadlo dhaq dhaqaaqyada Ahlu Sunah ka
wado d-alka, kaas oo ay ka dhigeyso in ay qeyb ka tahay awoodaha dalka ka jira.
Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo
