![]() |
||
|
|
Muxaadaro
Heeso
Tahniyadaha Sawiro
Gabayo
Tacsiyadaha
Cayaaraha
Madaxweyne
Shariif oo khudbad xasaasi u jeediyay Jaaliyada Soomaalida ku nool Mag-aalada
London.
Muqdisho,cisaleey,11.Mar.2010
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif She-ekh Axmed oo xalay khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan magaalada London ayaa waxaa uu kaga hadlay xaa-lada dalka uu marayo.
Madaxweyne Shariif ayaa ugu baaqay dadka qurbaha ku nool in ay gacan ka geysteen sidii dalka loo samata bixi lah-aa, isla markaana ay gar gaari lahaay-een dadka tabaaleysan.
Waxaa uu sheegay Jaaliyada Soomaali-da looga baahan yahay in ay Nabada S-oomaaliya ka qeyb qaataan, isagoo xu-
say in ay jiri karaan dad ku jira Jaaliyada oo fidno wada.
"Sidaad la socotaan hadii aadan gacan ka geysanin xaalada dalka uu jiro waa ay sii xoogeys-aneysaa, waxaan nala haboon inaan u midowno"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay in Kooxaha dowladda ka soo horjeeda ay dadka ku qaldayaan afkaar diin.
Madaxweynaha ayaa xusay in dadka ka soo horjeeda dowladdiisa ay marin habaabinayaan d-adka dhalinyarada, isla markaana qaab qaldan ay wax ugu sheegayaan oo aan diinta Islaam-ka waafaqsaneyn.
"Dadka hada dilka iyo dhibaatada ka wada waan ka xumahay inaan dhaho qeyb ka mid ah w-aan isla soo shaqeynayay, qaarkood xilligii Maxaakimta guryahooda ayaa ugu tagay"ayuu yiri Madaxweyne Shariif.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Ingiriiska ay isku afgarteen in dib loo furo Safaar-adii Soomaaliya, isagoo meesha ka saaray wararka sheegaya in Safaaradaha dibada la xira-yo.
Dadkii dhageysanayay ayaa si aad u soo dhoweeyay hadalkaas, waxaana qaarkood oo wajiy-adooda ka muuqatay xamaasad aad u soo jiitay Khudbada Madaxweyne Shariif uu u jeediyay.
Madaxweynaha ayaa berri u baqoolaya Magaalada labaad ee
Ingiriiska ee Birmingham, halka-asoo uu kula hadli doono soomaalida ku dhaqan.
Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo
|
|
|
|
||