![]() |
||
|
|
Muxaadaro
Heeso
Tahniyadaha Sawiro
Gabayo
Tacsiyadaha
Cayaaraha
Barakicii
ugu xooganaa oo ka bilowday xaafadaha waqooyiga Muqdisho.
Muqdisho,cisaleey,11.Mar.2010
Barakac xoogan ayaa saaka ka soconaya degmooyin ka tirsan gobolka banaadir, gaar ahaan degmooyin shalay uu saam-eeyay dagaalo lagu hoobtay oo dad bad-an ku le'deen.
Degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo H-uriwaa ayaa ka mid ah goobaha sida d-aran looga qaxayo, waxaana dadka bar-akacaya oo u badan caruur iyo haween ay qaarkood ku jahwareersan yihiin me-el ay afka aadiyaan.
Cabsida iyo wal walka dadkan ka muuq-do ayaa ah dhibaatooyinka ka soo gaara dagaalada, gaar ahaan marka ay timaa-
do duqeymaha indha la'aanta ee ku dul habsaday guryahooda.
Xaafadaha Towfiiq, Juungal iyo Suuq Bacaad ayaa shalay oo kaliya waxaa ku dhintay toban-eeyo ruux oo rayid ahaa, kuwaasoo shan ka mid ah isku qoys ahaa, markii madfac uu ku dul habsaday.
Dhaawacyada dadka rayidka ayaa caga cageynaya 70-meeyo, waxaana anfariirka dadka uu yahay mid ku yimid markii madaafiic daran doori ah ay ku hoobteen deegaano ka baxsan goobaha lagu dagaalamayo.
Goobaha caafimaadka ayaa sheegaya in ay xamili la'yihiin dhaawacyada faraha badan ee da-qiiqad daqiiqad u soo gaaraya, waxaana Isbitaalada yihiin kuwo aad u buux dhaafiyay oo xat-aa sariirihii bukaanada la seexin lahaa ay buuxsameen.
Dagaalada dib uga bilowday Caasimada Muqdisho ayaa ahaa mid
maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay, kaasoo qorshihiisa ay waday dowladda
Soomaaliya, waxaana ay haatan garab buuxa ka heleysaa Ciidamada Amisom.
Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo
|
|
|
|
||