Muxaadaro

 

 

 

Heeso

 

Tahniyadaha

Sawiro

 

Gabayo

 

Tacsiyadaha

 

Cayaaraha

 

 

           

          

 

 

 

 

Dagaalo iyo duqeymo kuwii ugu xooganaa oo saaka dib uga bilo-wday W/Muqdisho.

 

 

 

Muqdisho,cisaleey,11.Mar.2010

Dagaalo ayaa saaka mar kale dib uga qarxay qeybaha waqooyiga Muqdisho, iyadoo dagaaladan saaka ay yihiin kuwo waji cusub oo ay si toos uga qeyb gale-en Ciidamada Amisom, kadib markii da-gaalkii shalay ay galeen dib uga soo la-abteen.

 

Dagaaladan ayaa mar kale dib uga bil-owday aagagii shalay la isku fara saar-ay, waxaana uu ka dambeeyay, markii ciidamada dowladda isaga soo baxeen goobihii shalay Taangiyada Amisom u xoreeyeen.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidam-
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

ada Amisom si rasmi ugu qalab qaateen dagaalka, waxaana la sheegayaa in ay damacsan yi-hiin in ay fariisimo rasmi ka sameysteen aagaga waqooyi.

 

Goobaha sida xoogan uga socdaan ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Shibis, C/casiis iyo Kaaraan oo ay marti geliyeen dagaaladii ka dhacayay bilihii la soo dhaafay oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kooxaha mucaaradka.

 

Jugta culus ee madaafiicda qoryaha taangiga iyo BM-ka ayaa gees ka gees laga maqlayaa magaalada oo dhan, iyadoo dadka Muqdisho uu ku jiro dareen aad u kacsan, marka loo eego daruuraha colaadeed ee magaaladu ay dhex hoganeyso.

 

Ciidamada Amisom oo watay taangiyo oo ay wehliyeen baabuuro agab u sida iyo gawaarida loo yaqaano Katarbeelo ayaa la arkayay iyagoo sii galaya waqooyiga Muqdisho, waxaana tani micnaheeda tahay in ciidamada meelaha ay dagaan ay dhufeyso ka qodan rabaan amaba ay aasi rabaan wadooyinka ay dhulka u qodeen mucaaradka ee dhufeysyada ka dhigteen.
 
Dagaalka saaka dib u qarxay ayaa u muuqda inuu yahay diyaar garowgii dagaal ay waday dowladda, marka loo eego sida ay Ciidamada Amisom ugu qalab qaateen.








 

 

Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo

    cisaleeynews@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

                                       

                       

                                                                          Free counter and web stats        Copyright 2007 cisaleey.com,disegned by Abukar Mohamed Abukar (webmaster@cisaleey.com)