![]() |
||
|
|
Muxaadaro
Heeso
Tahniyadaha Sawiro
Gabayo
Tacsiyadaha
Cayaaraha
Dowladda
Soomaaliya iyo Al-Sh-abaab oo guulo ka kala sheegtay dagaalada.
Muqdisho,cisaleey,10.Mar.2010
Dowladda soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaaladii maanta ka dhacay m-agaalada Muqdisho, kaasoo xoogiisa ka dhaceen waqooyiga Muqdisho.
Afhayeen u hadlay dowladda oo lagu m-agacaabo C/risaaq Qeylow ayaa sheeg-ay in dagaaladaas ay guulo ka gaareen ciidamada dowladda, isla markaana ay markii hore dagaalo ay kula soo hiireyst-een Shabaab.
Qeylow ayaa xusay in dagaalka maanta aan wax natiijo ah lagu kala gaarin, wa-xaana uu xusay in wali lagu kala sugan
yahay aagagii hore la isku hor fadhiyay ee waqooyiga Muqdisho.
"Dagaaladaas wax natiijo ah nimankaas mucaaradka kama aysan gaarin, in ay dad shacab ah laayeen mooyee faa'ido kale ma keenin, walina waxaa la kala joogaa meelihii horay loogu sugnaa"ayuu yiri C/risaaq Qeylow.
Sidoo kale Afhayeenka Shabaabka Shiikh Cali Dheere ayaa dhinaciisa sheegtay in dagaalka libin ka heleen, waxaana uu tilmaamay in ay ku qabsadeen Hotelka Galobal oo fariisin u aheyd ciidamada dowladda.
Cali Dheere ayaa carabaabay in xoogagooda ay dhaafeen raacii hore ee aagagii dhufeysyada ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, waxaana uu ku faanay in ay jab xoogan gaarsiiyeen.
Dagaalka oo haatan si goos goos ku socda ayaa waxaa mararka qaar la maqlayaa madaafiic xoogan oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac, mana jirto warar ka madax banaan ilaa iyo hada.
Shabaab ayaa dagaalkii maanta ku keli aheyd, waxaana uu ahaa
dagaal qorsheysan oo saaka waabarigii salaadii subax kadib markii weeraro ay
kula jermaadeen fariisimaha Ciidamada dowladda.
Ha moogaanin cisaleey.com saacad walbo
|
|
|
|
||