Muqdisho,cisaleey,10.Mar.2010
waxaan dhegeeystay indhacadde oo ku eedeeynaaya
alshabaab ineey gobolka shabeelaha hoose dhac baahsan ka
ge-eysatay markaasaa waxaa igu soo dha-cay shiribkaan aan idiin
soo gudbin do-ono.
1=afqoyanu ilaaw dhowaa
indhacade ma abniyaa
2= indhacade ya alshabaab
makala aaya
roonyihiin
3=ishi webigi aan ogaay
kii iibi jiray
maahinoo
4=umadda ninki afar zuu
ku amrijiray ow ahaay
5=isbaaraan ashahaad leheeyn
ninki abuurayoow ahaay
6=ninka la wada ogyohoo
umadda dhacay oow ahaay
7=indhacadde ya alshabaab
umma isxaanin umaddaan
8=allaa ka weday umaddee
asuug hilib bartoow ahaay
9=alqaacidoow ahaa jiree
inya asaasaqyeey eryeen
10=adeegayaashi itixaad
waa afhayeen ameerikan
11=indhacadde ya ow shariif
waa isku aabbo alshabaab
12=waaleeysla soo abaabulee
irsiqiyeey isku arkeen
13=owlaaddi waaye aabbohood
iska eryee dadkaan ogeeyn
14=indhacadde ya alshabaab ya
allaa u jeeda owshariif
15=isbaaraan ku ogaa jiree
indhacadde aqiyaarmiyaa
16=indhacadde afduub iyo
iimaan la'aa lagu ogaay
17=indhacadde ya alshabaab
anaa ogoo male isxaan
18=ilaahoow noo isxaan faloo
iridkaluu fur alshabaab
19=alloow wax nooga aaya roon
urudaan nagu irsaaq
20=alloow ammar wax asluboo
edeb u yeela alshabaab
21=alloow ammar wax eey arkeen
oo eberkayeela alshabaab
22=ilaahoow indhacadayaa
ummu khabiith abaal marsii
23= alloow amiirul mu miniin
addaa oge nagu irsaaq
24=egerti noo irmaaneheed
waxaa eryaaya alshabaab
25=ilaahoow kuu ergaan ehee
ii oofi wixi aan iraa
_ALI HARAARE_
Ha moogaanin
cisaleey.com saacad walbo
cisaleeynews@hotmail.com