|
dhex jiro hagardaamo taariikhda somalia aad ugu cusub ee ku wajahan in nin somalia,muslim ah uu ka iibsado wallaalkiis somalia ah muslim ah cadowga Tigreega oo aanan wadaagin diin,dal,iyo dad,Ilaa iyo hada cidna kama eeyan hadal odayada,isimada garadyada isku sheega dhulkaa Puntland iibsiga ka dhex socda Puntland sow lama dhihi karo Puntland damiir islaanimo ama mid somalianimo kama jirto waayo haddii eey ka jirto shacuurtooda islaanimo ayaa la arki lahaa....Alo Sahal umuuraha.
Taariikhdu ma dhunto mana duugowdo. Weli waxaa socota taariikhdii foosha xumeeyd ee uu Cali Yuusuf dhulkaasi kaga tagay, Qarnigaan aan maanta ku jirno C/aahi waxaa uu wadaa in uu Ethiopia eey u qabato soomaaliya si uu u sii wado riyadii Cali yuusuf, waxaa umada lagu qaldayaa Qaran ayaan dhiseeynaa,waxaan soo celineeynaa nabadii iyo kala danbeeyntii uu dalkaan lahaa, wallaalayaal dulmiga socdaa maaha mid la soo afjarikaro, waxaa dib loo soo cusbooneeysiiyay heshiiskii Cali Yusuf Markii eey taariikhdu ahayd 7/ 2- 1889-kii xiligaa ayuu Vincenzo Filonardi wuxuu soo gaaray Hobyo. Saddex toddobaad kaddib, 28/ 2- 1889-kii ayaa isaga iyo suldaankii hobyood eey kala saxiixdeen heshiis qoraalkiisu u dhacay sidan soo socota
:
"Anigoo ah suldaanka hobyood ee yusuf cali yusuf waxaan maanta wixii laga bilaabma gacanteeyda ku saxiixay waraaqdaan anigoo cadeeynaaya in aan dhulkeeygii ka billaaw Mareeg illaa Raascawad aan oggolaaday in eey hoostagaan maamulkii dowlada Talyaaniga ee weeyn boqorkooda Umberto I ,isagoo oo uu ka wakiil yahay qunsulka u fadhiya Sansibaar ee magaciisa la dhaho: Vincenzo Filonardi. " Qarnigaan waxaa heshiiskaas mid la mid ah soo galay Maquuste kuna xiligii uu tagay Ethiopia 2004 safarkiisii ugu horeeyay...
Akhristow waxaa shaki ku jirin in Talyaniga uu ahaa kii Eriterea gacanta u geliyay dowlada Ethiopia 1952 taana waxaa eey ka danbeesay markii Ethiopia eey damacday in eey qabsato soomalia kadib baaqii calaacal ah uu Menelik u diray boqorada ingriiska sanadkii 1890 kii boqoradaas oo la dhihi jiray Queen Victoria. Waxaa hadaladiisa ka mid ahaa hadal dheer ka dib.
"Waagii hore xuduudada Ethiopia waxaa eey aheeyd badda cas iyo baddweynta India wadamada masiixiga ah waxa kaalmo ah kama aan helin,xuduudadii baddeena waxaa eey gacanta u gashay quwado muslimiin ah (somalia ).Xilligan hadda ah, ma nihin kuwo guddoonsaday in xuduuddeenii hore ee badda ahayd aanu xoog ku soo ceshano, laakiin waxaanu ku kalsoonahay xoogagga masiixiga ah ee tilmaamaya badbaadadayada in eey inoo soo ceshaan xadkii xeebaha badda ahaa oo aanu lahayn (Somalia), qiimo kasta ha ku bexee, meel uun xeeb ah,Calaacalkaas ayaa Ethiopia lagu siiyay Eriteria."
Qarnigaan aan ku jirno Eriteria waxaa eey noqotay xor Ethiopiana waxaa eey soo celisay fikirkii guracanaa oo berigaa Talyaaniga maslaxad ahaan uu u siiyay Eriteria,waxa arimahaa fulinaya waa Maquuste iwm oo danaha eey leeyihiin eey tahay in soomaliya la hoos geeyo Ethiopia,Majeerteen waxaa eey qaateen in dalka somalia haddii aanan la hoos geeyn Ethiopia eey tahay mid eeyan waligood awooda xukunka eeyan heli doonin in la xukumo maahee,taasi waxaa dalii u ah.
Cade Muuse waxaa uu heshiis la galay cadowga somalia Ethiopia cidna kama qarsoona heshiiskaa,waxaa uu soo sameeysatay lacag been abuur ah asaga oo weliba caalamka u sheegay in 2 Mashiin uu kaliya leehay,waxaa cadaatay in dekeda Boosaaso eeyan wax qidmad ah ka qaadan dhamaan alaabaha Ethiopia eey ka soo degsato dhulkaa,waxaa eey qaateen Puntland in Ethiopia amarkeeda lagu shaqeeyo xaga sirdoonka iyo nabadgelyada dhulkaa,waxaa la goostay in Ethiopia loo dhiibo cidwalba oo ka timid dhulka somali-galbeed ,waxaa jooga Puntland ciidamo Tigree ah waxeeyna ka howlgalaan magaalo walba oo dhulkaas ah.
Maquuste xiligii Imbagaati safarkiisii ugu horeeyay waxaa uu ku taagay Ethiopa waxaaana uu weeydiistay cadowga Ethiopia kaalmo sidaaseey Ethiopia ku timid,waxaa uu qirtay in Ethiopia eeyan marna ka baxeeyn dalka somalia,waxaa uu ahaa ninkii dhahay aniga waxaan ahay madaxweeyne dalkana Ethiopia ayaa u dhiibanaa.
Weli lama hayo cid Majeerteen ah oo ka damqatay xasuuqa,barokicinta shacabka wallaalaha ah ee xamar ku dhaqan,waxaa hubaal ah in waxa xamar ka socdaa eeyan ka xanuunsan balse eey u arkaan mid waajib ah,Ilaa iyo xiligaan lama hayo isim ama garaad ama oday majeerteen ah oo ka damqanaya xasuuqa,dhoofinta caruurta muslimka ah ee dhulak Puntland,Tigreega gaalka ah ee ku dhex jira dhulka Puntland cid ka hadleeysaa ma jirto sow akhristow kuuma acada in madaxii iyo mijihii majeerteen eey isku raacsan yahiin gumaadka iyo barakicinta umada somalia.Sow taariikhdii Cali Yusuf dib uma soo noqon oo majeerteen dib uma keenin gaalo madow
Majeerteen waxaa eey si xirfadeeysan u qayaameen dhulbahante oo runtii noqday mid lagu awoorkacsaday xiligii la abuurayay Puntland,Alow xiligaan yaa weeydiidya maxed cabdi xaashi iyo ragii lagu aworkacsaday sida eey u arkaan xiligaan Puntland.
Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com |