|
waxaana kuwa raba in eey gataan somalia cidna kama qarsoona,caasimada somalia waxa ku dagaalamaya waa Ethiopia iyo shacabka somalia oo diidan in gumeeysi cusub lagu qabsado,Maquuste iyo dabadhilifyada lagu soo dhisay Imbagaati ujeedada loo sameeyay waxaa eey aheeyd in dalka somalia gacanta loo geliyo Ethiopia iyada oo loo sii marayo Maquuste iyo xildhibaan isku sheega Bay fadhiya,dalka xiligaan waxaa ka taliya Gabre oo ah taliyaha ugu sareeya xoogaga Tigreega dhaqdhaqaaqooda haddii aan akhristow kuu sheego:
Waxaa eey sameeyaan Xoogaga cadowga Ethiopia maalin walba howlgalo xaqiidii eey ku xasuuqaan shacabka somalia qaasatan magaalada Muqdisho,howlgaladaa waxaa eey wadeen 2006 ilaa maanta,Maquuste asaga ayaa la amraa oo aan laheeyn wax sharaf ah,goolkooda waa in eey dalka ka tirtiraan cidwalba oo damiir leh oo wax fahmi karta siyaasada USA iyo ujeedadeeda.calooshood u shaqeeystayaasha Maquuste ayaga ayaa hubka laga dhigaa maalin walba laguna qasbaa in eey xasuuqaan dadka eey ka dhasheen.
Ciidamada Ethiopia waxaa eey aad ugu soo horjeedaan in xasilooni eey ku soo noqoto gobolada dalka,waxaa eey marwalba ku dhaqaaqaan in eey qarbudaan maamulka madaniga ah ee eey shacabka soo dhisteen,waxeey xitaa diidan yihiin kuwa Maquuste uu u soo magacaabay gobolada waatan Dabageed eey marwalba ka kaxeeyaan Hiiraan geeyaan dhulka Ethiopia markalene ku soo celiyaan.
Ciidamada cadowga Ethiopia waxaa eey urursadaan canshuurtii shacabka,waxaa eey ka geeysteen biliqo xoogan meelwalba eey tagaan,suuqa bakaaraha,midka suuq bacaad iwm,Maquuste iyo maryo calasta daba joogta waa kuwa caqligooda ku qiyaasan aarsi qabiil iwm.
Waxaa quman in UN eey qiraan in lagu xadgubay qaraakii tirsigiisu ahaa 1725 kaasoo sheegyay in dowladaha deriska la ah Somalia in eeyan marna geli karin somalia,sida oo kale qaraarkii 733 ee sheegayay in dalka somalia lagu soo rogay cuno qabateen xaga hubka ah,weli waxaa socda ku xadgudubkii qaraarada aan kor ju soo sheegay,yaa ufasaxay in USA eey weerarto dalka somalia maxeeyse tahay ujeedada eey u weerareeyso shacabka dhibka ku jira,sow ceeb iyo foolxumo maahin in kuwa aduunka ugu tunka weeyn in eey xasuuqaan shacab 18 sanno ku soo dhex jiray dagaal.
Somalida xiligaan waxaa ka masuul ah urukii Maxkamada waayo waxaa eey haystaan aqlabiyada shacabka waxaana umada eey u arkaan in eey yihiin kuwa dalka ka saari kara cadowga Ethiopia iyo cidwalba oo isku daydo in eey ku soo duusho dalkooda hooyo,xaqiiqdii waa kuwa kaliya ee u taagan habeen iyo maalin sidii dalka looga xoreeyn lahaa cadowga,waxaa eey dalka u hureen dhiigooda,naftooda,xoolahooda welina waxaa eey u soo taagan yihiin in eey dalkooda hooyo u huraan intaa iyo in ka badan,sida oo kale shacabka somalia iyo cidwalba oo u istaagtay in dalka laga xoreeyo Ethiopia waxaa eey geli doonaan taariikhda cid dafiri kartaana ma jirto,xaq maaha in xiligaan lala shiro Maquuste waxaase muhimada eey tahay in kuwa ka danbeeya dhismahii Imbagaati weerarka wadaa in UN ka dhex dhigo heshiis waayo UN waxaa ku midoobay dhamaan dowladaha aduunka ujeedadana loo dhisayne waxaa eey aheeyd in eey aduunka ku soo dabaashio nabad iyo wadanoolaansho,haddii USA iyo Ethiopia eey ku xadgudbeen sharciyada UN ka waxaa quman in aduunka uu arko wax meesha ka socdo oo xaqiiq ah,somalia waxaa dhibka u geeystay kuwaii lacagta ku bixiyay in Maquuste iyo xildhibaanada Bay lagu sheego dowlad,waxaa hubaal ah in dhimahaasi in eey ku baxday Milyan and milyan ujeedada waxaa eey aheeyd in dalka Ethiopia loo gacan geliyo iyada oo loo sii marayaayo Maquuste iwm,Somaliada aad ayeey ugu dharagsan tahay waxa socdaa cidna ma afduubi karto shacaka dagaalamaya Nin lagu seexdow ha seexan somalia ha noolaato.
Walad Cabdalla Waa Wayaani USA u Shaqeeyo haddii uu nabada raadinayo waa in uu UN ka u sheegaa cida somalia dhibka ku wado iyo cida dagaashan,maaha in uu somalia ka dhex raadiyo nabad,waayo somalia dirirsan ma jirto ee waxaa jiro USA oo Ethiopia u mareeysa Imbagaati siddii somalia loo qabsan lahaa iyo xoogag diidan gumeeysiga cusub ee USA.
Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com |