|
in somalia eey ku jirto gacanta gumeeysiga Ethiopia ama istiqlaal halka Eritarea dowladeeda si aan gabasho laheeyn har iyo habeen ugu hadlaan in somalia eey ku dhacday gacanta gumeeysiga Ethiopia oo weliba eey ka danbeeyso dowlada mareeykanka,Eritarea waxaa eey soo ururisay dhamaan madaxdii midowga maxkamadaha islaamka xili xaqiiqdii eey gumaadka xaga cirka iyo dhulka eey ku hayeen ciidamada Ethiopia iyo kuwa USA ,waxaa uu shacabka somaliyeed aad ugu dharagsan yahay in diyaaradaha USA duqeeynta ka geeystay gobolada jubooyinka iyo kuwa gobolada dhexe in eey ka soo duuleen dalka Jabuuti halkaasna USA eey ku leeyhiin saldhig ugu xooga badan afrikada bari,dowlada Jabuuti xiligaan waxaa lagu dhiiro gelinayaa in eey weerarto dowlada Eritarea si aduun-weeynaha uu u iloobo gumaadka ka socda somalia,xaqiiqdii shirka Jabuuti ka dhacay waa mid lagu badbaadinayo dalka Ethiopia,Cumar Geele waxaa mudneeyd in uu qaato qaraarka 6 December 2006 UN ka ee 1725 kaasoo sheegayay in dalalka somaliada deriska la ah in eeyan ciidamadooda geli karin somalia weli waxaa socda diyaaradaha USA oo ku xadgudbaya sharuucda caalamiga ah, (Interanaltional low ) ayaga oo ka soo duulaya dalka Jabuuti,waxaa cadaan ah in Jabuuti eey qeeyb ka tahay gumaadka iyo xasuuqa shacabka somalia iyada oo aan loo kala aaba yeelin xiligii eey gumaadayeen indiscriminate use of force in heavily populated areas ciidamada Ethiopia iyo kuwa USA,weli siyaasada Jabuuti ee arimaha somalia maaha mid aad u cad,waxaan kula dardaarmaya hogaanka xornimo doonka in eey ka foogjignaadaan siyaasada guracan ee Cumar Geele,waayo waxaa eey shabahdaa mid eey la socoto muaamaraad dadban.Dowlada Jabuuti waxaa mudan in eey dib u aqriso qaraarada Un ka sida midka 733 ee cuna qabateenta hubka somalia iyo midka 1725
United Nations Security Council Resolution 733 (Implementing an Arms Embargo on Somalia)
5. Decides, under Chapter VII of the Charter of the United Nations, that all States shall, for the purposes of establishing peace and stability in Somalia, immediately implement a general and complete embargo on all deliveries of weapons and military equipment to Somalia until the Security Council decides otherwise;
UN Security Council Resolution 1725
4. Endorses the specification in the IGAD Deployment Plan that those States that border Somalia
would not deploy troops to Somalia;
Shacabka somalia waxaa uu aaminay in cadaalada umada somalia lagu soo celin karo oo kaliya qaadashada shareecada islaamka kaasoo eey u hano qaadeen soona shaac bixiyeen dhalin yaro ku abtirsaday MMI,shacabka somalia waxaa uu aaminay diinta in eey tahay mida kaliya ee soo celin karata nabada,cadaalada iyo wada noolaanshaha umada somalia,shacabka u istaagay arinkaa marna ma eeyan taageerin shaqsi ama qofka daadihiya qaadashada shareecada islaamka marka waxaan leeyahay kuwa ku midoway midowga maxkamadaha Islaamka umada somalia marna ma taageerayaan shaqsiga daadihiya balse waxaa eey shacabka taageersan yaan mabdaá shareecada Islaamka,Sheekh Shariif iyo Sheekh Xassan Daahir qiimo ma leh qabiilka eey ka dhasheen iyo meesha eey kala joogaan balse waxaa qiimo leh midka u dhiman doono mabdaáa qiimaha badan taariikhda weey xusi doontaa midka la iibsaday iyo midka diiday in la iibsado ayeey noqon doonaan haddii eeyan u noqon Ilaaha abuuray raadina sharafka iyo cisiga umada Somalia,haddii midkiin darajo rabo fadlan halganka haku daalina darajo Maquuste kaga quusta waxuu 30 jir ku waayay ayuu ku doonay 70 sanno jir welina waa baadi goobayaa,riwaayada midkiin midka kale u dhigayo shacabka waa ka dheregsan yahay dalkana waxaa xiligaan ka taliya kuwa goordhaw hubka isku qaata haddii aadan xal u raadin waxa jira.Halganka waa gabo gabo Maquuste dalka kama talyo xaagagii sharfkooda aad hugsateen niyo jab iyo kala carar idiinkaagama baahna,ee waxaa eey u baahan yihiin isku duubni iyo in leeysku sabro,la xusuusto meesha loo socdo iyo meesha laga yimid,fadlan umada ha u celinana qabiil..
Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com
|