u weeyn lagu iftiiniyo, warbixintaas waxaad moodaa in eey shacabka danmiga laga galay eey aad ugu farxeen walow eey aheeyd mid soo bandhigeeda 0,1 % aan dhameen,mudadii eey bilaabmeen dagaalada sokeeye ee dalka 1978 ilaa iyo maanta waxaa jiro hayd iyo shaqsiyaad runtii aad ugu mushquulsanaa qorista iyo diiwaan gelinta shaqsiyaadka dalka danbi ka geeystay, hadaba haddii aad akhristow ogtahay xog dhab ah oo xaqiida ku saleeysan waa eey mudnaan laheeyd in aan la soo xiriirtid webka.ama Hirabe_a@hotmail.com ilaa iyo hada waxaa diiwaan gashan in ka badan 1897 Qof kuwaas oo la hayo xiligaan meesha eey joogaan iyo cidana eey u shaqeeyaan,waxaa iyana geeriyootay 2036 Qof kana hormartay xiligii la hor-keeni lahaa maxkamad caalami ah, shaqsiyaadka sida cad cad ugu muuqda ku gaboodfalka sharciyada dagaalka iyo faldanbiyeedyo lagu qeexay in eey yihiin xasuuq,xarig aan sharciyeeyseen, barokicin, hubeeyn dhalin yaro aad u yar yar,duqeeynta cisbitaalada iyo meelaha shacabka iskugu yimaado sida suuqa Bakaaraha,jirdil,kufsi,boobka hantida shacabka, iyo arimo aad u faro badan.
Waxaan dhaliil u soo jeedineeynaa in shaci yaqaanka somalia uu ka jiiftay arinkan balse waxaan aad ugu dharagsanahay in eey u shaqeeyaan qaarkood kuwa faldanbiyeedka galay, ilaaa iyo hada lama hayo cid sharci yaaqaan ah oo nagala soo xiriirtay arinkaa,wolaw dadka eey aamin san yihiin in uu jir sharci yaqaan wax ku soo bartay canshuurtii dadka xasuuqa ku socdo Alow sahal umuuraha
XageeJ oogaan Danbilayaasha..??????
Inta badan waxaa eey joogaan dalka,waxaana eey ka tirsan yihiin dowlada Maquuste iyo mida Cade Musse iyo tan Daahir Riyaale,qaar waxaa lagu magacaabaa wasiiro kuwo kalena waxaa eey lee-yihiin darajo ka hooseeysa midaa ama ka sareeyso,sida oo kale waxaa eey joogaan gobolada dalka dhamaantiis, qaar waxaa eey joogaan dalka dibadiisa sida yurub,USA iyo Kanada,qaar waxaa eey ku nool yihiin dalalka carbaha sida UAE oo ah meesha ugu tirada badan eey degen yihiin Sacuudi-Arabia Siriya Masar Yemen Tunis Maroco iwm intaba dhaqdhaqaaqooda waa mid lala socdo marwalba,waxaana hubaal ah in dhawaan la soo taagi doono maxkamad cadaalad ah si looga abaal mariyo danbiyadii eey geeysteen,waxaa la soo gaaray xiligii danbiilaha dagaalka la horgeeyn lahaa maxkamad hadaba wallaalaha somalia meel walba ha joogaane waxaa muhim ah in ku wargeliso cidwalba oo dabni laga galay in eey soo cadeeyaan meesha.waqtigaiyo cida gashay,waxaa noo balan ah in nin danbiile ah uusan garsoore kuu noqon, waxaa noo balan ah sida aad u dhibtootay in uu u dhibtoodo,waxaa noo balan ah haddii uuaduunka ku baxsado in uusan marna Ilaah ka baxsan doonin ciqaabta alene u danbeeyn.
Danbiile Shisheeye waxaa ka mid ah
Dowladaha waa weeyn sida USA oo si bareer ah u weeratay degaamo Somali ah dad faro badana ku xasuuqday iyo xoolodowlada, Ethiopia, Kenya, Uganda, Jabuuti, Sudan; Eritarea iyo dowladaha ugu tunka weeyn ee caalamka sida USA yurub iyo dowladaha carabta waxaa eey abuureen dowlada Imbagaati oo uu Maquuste horboodo,waxaa eey umada Somalia is weeydiisaa dowladaahaasi oo dhan ma waxeey Imbagaati u abuurayeen in umada reer Muqdisho lagu xasuuqo, loogu gabood falo,lagu isrtiro,hadaba haddii aad mooday in xiligan cadaalada eeyan imaan Karin ogow in eey imaandoonto xiliga ka duwan midka manta, waxaa xiligaan diiwaan gashan shaqsiyaad darajo ku leh ciidamada Ethiopia iyo kuwa Uganda wallow eey socoto cadeeymaha iyo soo ururinta xog dhab ah.
Fadlan u shaqee cadaalada in loo sinaado,diid xadgudubka iyo xaqdarada haddii waqtigaan uu kaa eexday waxaa hubaal ah in waqtiga uu kuu eexan doono Ilaah haddii uu idmo,waxaad ku seexataa haddii aduunka aanan looga abaal marin faldanbiyeedka dadka,dalka lagula kacay in Ilaah uu ka abaal marin doono cidwalba oo wax xasuuqda ama danbi geeysata.
|